Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRO: Xulka Gobolka Banaadir Oo Iska Xaadiriyay Warreega Afar Dhamaadka Tartanka Maamul Goboleedyada.

Ciyaar xiiso badan oo ka tirsanayd Guruubka A ayaa galabta waxey dhexmartay xulalka Hirshabeele iyo xulka gobolka banaadir, kulankaan oo ahaa mid aad u adag waxey labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan oo ah weerar iyo weerar celis.

Qaybtii hore ee ciyaarta xulka gobolka banaadir ayaa heleen gool kulaad daqiiqadii 32-aad waxaana qaladkaasi galay lambarka 2-aad ee xulka hirshabeele C/fitaax Saadaq kadib markii uu diilinta ganaaxa ku jilaafay mid kamid ah weeraryahanada xulka gobolka banaadir,waxaana gool kulaadkaasi gool u beddalay ciyaaryahanka lagu magacaabo Ayuub Maxamed, qaybtii hore ee kulanka ayaa lagu kala nastay 1-0 hoggaanka ku hayeen xulka gobolka banaadir.

Garsoore C/fitaax Saciid Mire ayaa bixiyay kaarka digniinta illaa iyo seddex kaar qaybtii hore waxaana dhamaan loo taagay xiddigaha xulka gobolka banaadir ciyaartoyda kala ah Mustaf Ibrasahim Ayuub Maxamed iyo Ibraahim Mascuud oo dhamaantood loo taagay kaarka digniinta qaybtii hore ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad xulka kubadda cagta hirshabeele waxey abuureen fursado badan laakiin kama aysan faa’’iideysan fursadahaasi waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhamaatay 1-0 ay ku adkaadeen xulka gobolka banaadir oo u gudbay warreega afar dhamaadka koobka maamul goboleedyada.

Dhanka kale xulka gobolka banaadir ayaa waxey qaateen kaarkoodii 4-aad ee digniinta waana kaararkii ugu badnaa oo hal koox ay qaadato inta tartankan uu socdo waxaana loo taagay ciyaaryahan Xaaji Macalin oo beddal ku soo galay ciyaarta qaybtii labaad.

Xulka Hirshabeele ayaa la ciyaari doonan xulka Galmudug hirshabeele waxey ku soo bixi karaan iney badiyaan ciyaarta u harsan halka Galmudug oo leh hal dhibic ay ciyaartaasi ku soo bixi karto barbaro.

Guruubka A

Banaadir   3 dhibic

Galmudug  1 dhibic

Hirshabeele 0

WQ/ Daacad

Image may contain: 7 people, people standing, people playing sport and outdoor
Image may contain: 11 people, people standing, people playing sport and outdoor
Image may contain: 10 people, people playing sport, people standing and outdoor, text that says "=00 NASAARADDA LIFOU 28 D/HOOSE fo ASTAANSPORTS S ASTAAN"
Image may contain: 7 people, people standing, people playing sport and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, basketball court, shorts and outdoor, text that says "f ASTAANSPORTS C ASTAAN"
Image may contain: 2 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor, text that says "ASTAANSPORTS S ASTAAN"
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor
Image may contain: 6 people, people standing and outdoor, text that says "f ASTAANSPORTS SPORTS S ASTAAN"
Image may contain: 13 people, text that says "BMW f ASTAANSPORTS ELIY GO S ASTAAN"
Image may contain: 21 people, crowd, text that says "f ASTAANSPORTS 5 S ASTAAN"
Image may contain: 1 person, sitting and standing
Image may contain: 15 people, people standing and outdoor, text that says "Star ASTAANSPORTS S ASTAAN"

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button