Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRRO: Xulka K/cagta Galmudug oo U Soo Gudbay Warreega Afar Dhamaadka Tartanka Maamul Goboleedyada.

Xulka kubadda cagta galmudug ayaa u soo baxay warreega afar dhamaadka tartanka maamul goboleedyada kadib markii ay ciyaar xiiso badan galabta la yeesheen xulka kubadda cagta hirshabeele.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag waxey ka tirsanayd Guruubka A waxaana lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoo oo galabta ay soo camireen taagerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada xul, qaybtii hore ee ciyaarta xulka kubada cagta hirshabeele ayaa heleen gool daqiiqadii 37-aad waxaana goolkaasi madax ku dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 3-aad Cumar Bashiir iyadoo qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay hoggaanka ku hayeen xulka hirshabeele, ciyaartan oo lagu ciyaarat

Garsoore Maxamed Soomaali ayaa bixiyay kaliya hal calaamad qaybtii hore ee kulanka waxaana calaamadaas loo taagay ciyaaryahanka lambarka 16-aad u xirta xulka galmudug Axmed Maxamuud daqiiqadii 31-aad kadi markii uu kubadda daahiyay.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxey labadda xul soo bandhigeen ciyaar ku dhisan weerar iyo weerar celis xulka kubadda cagta hirshabeele ayaa iska qasaariyeen fursasdo ay hoggaanka ciyaarta ku sii dheereysan kareen, hase yeeshe xulka galmudug ayaa ka faa’’iideysteen labo fursad oo soo martay 20-kii daqiiqo ugu dambeysay waxeyna keensadeen goolkii barbaraha ahaa goolkaasi waxaa u saxiixay ciyaaryahanka lamabarka 19-aad xulka Galmudug Maxamed Maxamuud daqiiqadii 73-aad goolkaan ayaa noqday mid wax badan ka beddalay ciyaarta, Dhanka hirshabeele waxey lumiyeen illaa saddex fursadood oo soo martay qaybtii labaad ee ciyaarta laakiin kama aysan faa”iideysan.

Xulka kubadda cagta Galmudug ayaa daqiiqadii 89-aad waxey heleen goolkii guusha waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 13-aad Xasan Cabdi Xasan natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-1 ay ku adkaadeen xul kubada cagta Galmudug oo u soo gudubay warreega afar dhamaadka tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir.

Qaybtii 2-aad ee ciyaarta xulka k/cagta hirshabeele waxey qaateen labo calaamad oo ah kaarka digniinta waxaana la kala siiyay xiddigaha kala Cumar Bashiir iyo C/rizaaq Maxamed, xulka hirshabeele ayaa  noqday xulkii ugu horreeyay ee isaga haro tartanka maamul goboleedyada,

Guruub A

1-Banaadir 3 dhibcood

2-Galmudug 3 Dhibcood

3-Hirshabeele 0

Waxaa berri la sugi doona Guruubka B Ciyaarta u dhexeyso xulalka Putland iyo Koofur galbeed si loo ogaado xulalka kaalmaha 1-aad iyo 2-aad ku soo baxo.

WQ/ Daacad

Image may contain: 10 people, people standing, people playing sport and outdoor
Image may contain: 13 people, people standing, people playing sport, sky and outdoor
Image may contain: 7 people, people standing, people playing sport, sky and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport, people standing and outdoor, text that says "S ASTARN HIASHOBELLE GALMUDUG 16 www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor, text that says "S ASTA ann HIASHABELLE RP www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: 2 people, people playing sport, stadium, outdoor and text
Image may contain: 1 person, playing a sport, standing, stadium and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, people standing, people on stage and outdoor, text that says "S ASSTRTN GALMU GALMUDUG 8 R www.astaansports.com Im @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: 10 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, shoes and outdoor
Image may contain: 26 people, people playing sport and people on stage
Image may contain: 24 people, outdoor

Sawir Qaade Maxamed Yaasiin Abuula.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button