Breaking NewsSOOMAALIYASportsTartanka MaamulladaWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Puntland & Jubbaland oo soo bandhigey kulankii ugu adkaa Koobka Maamul Goboleedyada & G/banaadir 2020

Labada Koox ee Puntland iyo Jubbaland oo kujira guruubka B ayaa garoonka Enf-yariisoow degmada C/casiis ku yeeshay kulan aad u adag oo qeyb ka ahaa tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir 2020, kaasi oo ay ka qeybgalayaan dhamaan shanta maamul iyo Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ku biloowdey dar dar weerar iyo weerar celis ah ayaa waxaa ay kusoo bandhigeen dhinacyadu kubad farsamo ku dheehneyd, iyadoo ay jireen dhiiri gelino loo sooo sameeyey labada dhinac kahor ciyaarta, gaar ahaan Jubbaland oo guul daro lasoo kulantay kulankii koobaad ee KG ay la yeesheen, daqiiqadii 7aad iyo 8aad ayey labo fursadood hogaanka ku qaban kareen heleen kooxda Jubbaland markaaso goolhayaha Jubbaland uu badbaadiyey, sidoo kale daqiiqadii 15-aad ayey Puntland fursad fiican sameeyeen laakiin birta ayaa soo celisey kadib waxaa dhaliyey weeraryahankooda hase yeeshee waxay ahayd garab Dhaaf (Off side)

Weeraryahanka Lambarka 9-aad ee Puntland Bashiir Bashka ayaa daqiiqadii 44-aad helay fursado uu goolhayaha ula tagay kubadda laakiin gees marsiiyey, isla daiqiqad kadib lambarka 9-aad ee Jubbaland ayaa dhankiisa helay fursad hogaanka ku qaban kareen laakiin kama uusan faa’ideysan,waxaana qeybta hore lagu kala nastay bar baro goolal la’aan ah.

markii dib loo soo laabtay ayey halkii kasii wadeen dadaalkii weerarka ee ay isku qaadayeen, Ciyaaryahan XEYRAAN oo Puntland katirsan ayaa sameeyey isku dayo fursad lagu abuuray, sidoo kale dhanka Jubbaland waxaa uu macalinkodu sameeyey Labo bedel laakiin waxaa uu kulanka guud ahaan kusoo dhamaaday 0-0, natiijadaasi oo Kooxda Koonfur Galbeed ku xaqiiijisey iney usoo gudbeen wareega Semi Finalka, Puntland ayaa Jimcaha wada yeelan doonaan kulanka Labaad waxaana Puntland ku filan Bar baro, halka Jubbaland ay rajadeedu ku xiran tahay in Koonfur Galbeed ay kaga badiso Puntland 2 gool si ay usoo gudbaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button