Breaking NewsSOOMAALIYASportsTartanka MaamulladaWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Koobka Maamulada & G/Banaadir oo soo gaaray Nus-dhamaad xili Puntland si dirqi kusoo baxday

Tartanka kubadda Cagta ee Maamulada dalka iyo Gobolka Banaadir 2020 ayaa soo gaaray heerka Nus dhamaadka xili ay isugu soo hareen Afar koox oo keliya, waxaana kulankii ugu danbeeyey ee heerka guruurbyada wada ciyaaray Xulalka Puntland iyo Koonfur Galbeed..

Ciyaarta labada Xul oo kutirsaneyd guruub B isla markaana ahayd kulankii labaad ee Labada koox ayaa waxaa ay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis iyadoo kooxda Koonfur-galbeed ay u ciyaareysay iney kaalinta koobaad kusoo baxdo maadaama horey u xaqiijisey iney jaratay Tikidhkeeda kaalinka wareega Semi Finalka.

Kooxda Puntland ayaa waxaa waajib ku ahayd iney badiso ama bar bar dhac keento maadaama keliya dhibic ay kasoo heshay kulankii Jubbaland ay la yeelataym waxaana Puntland ay heleen gool hogaanka u dhiibay daqiiqaddii 39-aad C/qani Axmed, kaasi oo qaaditaan fiican usoo saaray Xeyraan,waxaana qeybtaasi lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka hayeen puntland.

qeybtii labaad ee kulanka waxaa halkii kasii socdey weerarkii labada dhinac iyadoo kooxda Puntland ayaad u weerareysay goosha koonfur galbeed waxaana xusid muda in gool celiyaha KGS uu badbaadiyey labo kubadood oo weliba loola tegey, waxaana ay taasi sababtay in daqiiqadii 70-aad Ciyaaryahanka lambarka 9-aad Naaji Maxamed oo bedel kusoo galay uu soo celiyo goolka shekadana ka dhigey 1-1 sidaana labada koox ay ku kala tageen.

natiijadaasi ayaa Koonfur-galbeed ka dhigtey iney kursiga koobaad 4 dhibic kusoo baxaan iyagoo ku beegmay Banaadir oo kaalinta 2-aad uga timid guruurb A, halka Puntland oo kusoo baxdey kaalinta 2-aad ay la dheeli doonto Galmudug oo koobaad Guruurb A kusoo baxday.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button