SAWIRRO: Xulka K/cagta Galmudug Oo U Gudbay Fiinaalka Koobka Maamul Goboleedyada.
Xulka kubadda cagta galmudug ayaa galabta u gudbay fiinaalka tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka banaadr kadib ciyaar xiiso badan oo galabta ay la yeesheen xulka k/cagta Putland.
Ciyaartan oo ka tirsanayd warreega afar dhamaadka tartanka maamul goboleedyada ayaa galabta lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoow kulankaan wuxuu ahaa kulankii ugu taageeraha badnaa tartanka maamul goboleedyada, waxey ahayd ciyaar daqiiqadihii ugu horreeyay la iska dhaliyay goolal, xulka galmudug ayaa heleen daqiiqadii 3-aad gool waxaana goolkaasi u dhaliyay ciyaaryahan lambarka 19-aad Maxamed Maxamuud daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta, xulka k/cagta Putland iney iska soo barbareeyaan goolkaas waxey ku qaadatay afar daqiiqo waxaana u saxiixay lambarka 7-aad C/qani Axmed daqiiqadii 7-aad ciyaarta isagoo natiijada ciyaarta ka dhigay 1-1.
Garsoore Xasan Kaafi Shiine oo kulankan garsoore ka ahaa ayaa bixiyay qaybtii hore kulanka kaliya hal calaamad oo ah kaarka digniinta waxaana loo taagay lambarka 6-aad ee xulka Galmudug C/Raxmaan Ibraahim daqiiqadii 45-aad qaybtii hore ciyaarta, ma jirin ciyaartoy kale oo calaamad loo taagay waxaana lagu kala nastay 1-1.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad xulka k/cagta galmudug waxey la soo laabteen ciyaar ku dhisan qaab weerar ah taas oo keentay iney helaan gool daqiiqadii 60-aad ee ciyaarta waxaana goolkiisa labaad u dhaliyay Maxmed Maxamuud oo ciyaarta ka dhigay 2-1 wixii intaa ka dambeeyay waxey ciyaartu yeelatay waji kale xulka k/cagta Putland ciyaartoydooda waxey soo bandhigeen ciyaar ku dhisan weerar iyagoo kubadaha weerarka ku badiyay daafacyada xulka galmudug, hase yeeshee natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 ay ku adkaadeen xulka galmudug oo u gudbay fiinaalka tartanka maamul goboleedyada waxeyna sugi doonan xulaka K/galbeed iyo Xulka Banaadir kooxdii soo adkaato,
Qaybtii labaad xulka k/cagta Putland waxey qaateen labo kaar oo ah kaarka digniinta taas oo ka dhigan iney qaateen saddex kaar waxaana la kala siiyay xiddigaha kala ah C/laahi Abuukar iyo Maxamed Cabdi Xasan dhanka xulka galmudug waxey qaateen kaarkoodii labaad ee digniinta waxaana loo taagay Liibaan Mukhtaar daqiiqadii 92-aad kadib markii uu waqtiga lumiyay.
WQ/ Daacad




















