Breaking NewsSOOMAALIYASportsTartanka MaamulladaWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Xulka Banaadir oo usoo baxay Finalka koobka Maamul goboleedyada 2020 xili ay u awood sheegteen K/galbeed

Xulka kubadda cagta ee Gobolka Banaadir ayaa usoo baxay Ciyaarta kama danbeeysta ee koobka Maamul goboleedyada iyo banaadir 2020, kaasi oo si xiiso badan uga socda garoonka eng-yariisoow degmada c/casiis ee gobolka banaadir.

Banaadir ayaa kulan xiiso badan oo Nus dhamaad ah waxaa ay la yeelatay kooxda KGS waxaa kulanka oo uu garsoorayey gatsoore caalami Xasan Maxamed Xaaji (Baari) waxaana kulankaa oo ku biloowdey weerar iyo weerar celis qeybta koobaad kusoo dhamaaday 1-0 waxaana goolkaasi Xulka Banaadir u saxiixay NAGEEYE DEEQ daqiiqadii 41-aad iyadoo goolkaasi kahor ay labada dhinac sameeyeen fursado goolal loo filan karey,

Markii dib leysugu soo laabtay ayey labada koox halkaasi kasii wadeen weerarkii ay isku qaadayeen, laakiin Weeraryahanka lambarka 28-aad IBRAAHIM ILYEES, laakiin Kooxda Koonfur-Galbeed ayaa daqiiqaddii 63-aad soo celisey gool waxaa u saxiixey Lambarka 20-aad MAXAMUUD IBRAAHIM.

waxay ciyaartu socotaba oo labada dhinac taageerayaashooda garooka soo buux dhaafiyey ay u sacab tumaan, ayaa daqiiqadii 79-aad kubad fiican Birta ku garaaceen, kubad halis ahayd, waxaase kooxda Banaadir xaqiijiyeen guusha daqiiaddidi 82-aad markii DAADIR JALLA uu kubad fiican gees ka keenay la madaxeeyey taasoo uu iska dhaliyey Gool celiyaha KGS., waxaana kulanku kusoo dhamaaday 3-1 oo ay guushu ku raacday G/BANAADIR.

Kooxda G/Banaadir ayaa hadda jaratay Tikidhkeeda kama danbeeystata markii ugu horeeysay tan iyo markii Koobkan laga dhigey Mid Maamul goboleedyadu ciyaaraan, oo labadii jeer ee hore ay ku hareysay Semi Finalka waxaana ay la dheeli doontaa kooxda GALMUDUG oo markii ugu horeeysay taariikhdeeda soo gaartay iyanna kama danbeeysta, wuxuuna kulankaasi ka dhici doonaa Eng-yariisow Stadium Arbacada 30-ka Bishan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button