SAWIRRO: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K/Galbeed Mudane C/Casiis Lafta Gareen Oo Kulan Casho-Sharaf U Sameeyay Xulka K/Cagta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kulan casho-sharaf u sameeyay ciyaartoyda Xulka kubbadda Cagta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Muqdisho uga Qeyb-galay Tartanka maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo bishii December lagu soo gabagabeeyay magaalada muqdisho.
Xulka kubada cagta K/galbeed ayaa ka soo gudbay heerka guruubyada iyagoo aan laga adkaan waxey soo gaareen afar dhamaadka tartanka maamul goboleedyada, waxaana tartanka ka reebay xulka gobalka banaadir oo koobka ku guuleysteen.
Xafladan loo sameeyay ciyaartoyda xulka K/galbeed waxaa soo qaban qaabiyay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlad gobaleedka K/galbeed Ibraahim Aaadan Cali Najax waxaana halkaas qudbada kala duwan ka jeediyay madaxdii ka soo qayb gashay xaflada oo ugu horreeyay madexweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ku amaanay qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen ciyaartoyda xulka K/galbeed, isagoo intaa kudaray in xulka K/galbeed ay isku diyaarin doonaan ka qaybgalka tartanka maamul gobleedyada ee la qaban doon dhamaadka sanadkan 2021.
Dhanka kale waxaa xaflada ka soo qaybgalay marti sharaf u badan bahda ciyaaraha agaasimayaal iyo xubno kale oo dhamaantood halkaasi qudbado ka jeediyay.
WQ/ Daacad