Uncategorized

SAWIRRO: Horyaalka Somali Premier League Oo Maanta Ka Furmay Muqdisho Xili Heegan ay Guul Ku Furatay.

Waxaa galabta si rasmi ah u furmay horyaalka Somali Premier League xili ciyaareedka 2020-2021, kulanka furitaanka horyaalka waxaa uu dhexmaray kooxaha Heegan Iyo Midnimo waxaana lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisow ee degmada C/casiis, ciyaartan oo ahayd mid aad u adag waxey labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan qaybtii 1-aad ee kulanka ayaa lagu kala nastay 0-0 waxeyna labada kooxod ay abuureen fursado goolal loo filan karay laakiin ciyaarta ayaa lagu kala nastay goolal la,aan.

Garsoore Xasan Kaafi oo ahaa garsooraha kulankan ayaa bixiyay qaybtii hore labo kaar oo ah kaarka hurdiga ee  digniinta waxaana lakala siiyay labada kooxood kaarkii ugu horreeyay kulanka waxaa loo taagay lambarka 22-aad Ibraahin Xasan Cabdi ee u ciyaaro kooxda Heegan daqiiqadii 11-aad, halka kaarka kale loo taagay Lambarka 7-aad Mahad Maxamed Xalane oo ka tirsan kooxda Midnimo daqiiqadii 25-aad ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda Heegan ayaa heshay gool uu dhaliyay Abdikaadir Siidow (Seyga Ruushka) oo lambarka 6-aad u xirta kooxda Heegan kulankiisa ugu horreeyay uu u ciyaaro kooxda Heegan uu suuqan kaga soo warreegay naadiga Elman.

Dhanka kale kooxda Midnimo waxey sameeyeen iskudayo ay ku doonayeen iney ciyaarta barbaro ku soo celiyaan balse natiijada kulanka ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay ku adkaatay kooxda Heegan oo galabta ka soo dhex muuqdeen saxiixyo cusub ay la soo warreegeen xili ciyaareedkan 2020-2021.

Qaybtii labaad ee kulanka waxey qaateen ciyaartoyda kooxda Midnimo saddex kaar oo ah kaarka hurdiga ee digniinta taas oo ka dhigeyso wadarta guud 4-kaar in loo calaamadeeyay kooxda Midnimo waxaana laka siiyay xiddigaha kala ah Ayman Maxamed daqiiqadii 59-aad Cabdulaahi Aadan daqiiqadii 72-aad iyo Shaafici Cilmi oo loo taagay daqiiqadii 76-aad ee kulanka, ma jirin wax calaamad ah oo loo taagay kooxda heegan marka laga reebo hal kaar oo ah kaarka digniinta oo la siiyay qaybta 1-aad ee ciyaarta.

Dhamaan kooxaha ayaa ciyaari doono wajiga 1-aad isbuucan xili maalinta berrito ay ciyaari doonaan kooxaha Jeenyo iyo G/Afrika.

WQ/ Daacad

Image may contain: 11 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 11 people, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, standing, outdoor and text
Image may contain: 2 people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, outdoor and text
Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button