LPP JEENYOSomali premier leagueSOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Jeenyo iyo Geeska Afrika oo isku garbo dhacay kulankoodii koobaad ee Horyaalka SPL

Kooxaha Kubadda cagta ee Jeenyo iyo Geeska Afrika ayaa wada ciyaaray kulankoodii koobaad ee Horyaalka heerka koobaad ee dalka 2021/22 kulan xiiso lahaa oo ay usoo daawasho tageen taageerayaasha labada dhinac, waxaana kulanka kooxahan xiiso u yeelayey iney xagaagan uun kusoo biireen heerka sare ee Somali Premier League.

Kulanka ayaa ku biloowdey weerar iyo weerar celis iyadoo dhinacyadu ay qasaariyeen fursado goolal loo filan karay, waxaana xusid mudan in kubadda qeybtaasi ay ahayd mid isku dheeli tirsan waxaana lagu kala nastay goool la’aan 0-0.

Markii qeybta labaad leysku soo laabtay ayaa tababararayaasha waxaa ay sameeyeen bedelo,Tababaraha Jeenyo Axmed Tahliil ayaa soo geliyey ciyaaryahanka lambarka 17-aad Ismaaciil Suleymaan halka dhanka Tababaraha GEESKA AFRICA Daadir Amiin uu keenay Ciyaaaryahan Cumar maxamed oo lambarka 22-aad u qaata,

Inkasta oo ay sidoo kale qeybtaan labaad sameeyeen isku dayo hadana labada kooxood uma suurta gelin iney gool iska dhaliyaan waxaa uuna kulanka waqtigii loogu talo galay kusoo dhamaaday 0-0 sidaasoo min dhibic ku kala qaateen kooxahan oo la xusuusto iney kala hogaamiyaan labo tababare oo dhalinyaro ah oo meelo badan kusoo xifaaltamay gaaar ahaan taratnkoo Maamulada dalka oo uu Kooxda Banaadir u qaaday tababare Daadir Amiin Cali.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button