Breaking NewsELMANHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Muxuu ku Dhamaaday Kulankii adkaa ee Kooxaha ELMAN & MCC ee Horyaalka Somali Premier League

Kulanka labada kooxood ayaa ahaa mid aad u adkaa oo ay usoo sameeyeen diyaar garoow sareeya,waxaana uu ku bilowday weerar iyo weerar celis, daqiiqaddii 3aad ee bilowga ayey kooxda MMC waxay heshay fursad gool ku dhalin kareen,taasoo uu isku dhigey daafaca kooxda Elman SC,

Dhanka kooxda Elman waxaa ay ciyaarayeen kubad dhexda ku dhamaaneysay oo ay awoodi waayeen iney goosha la tiigsadaaan, waxaana xusid mudan in qeybta koobaad garsoore MAXAMED SOOMAALI inuu karaka Digniinta siiyey ciyaaryahanka lambarka 2-aad ee Elman Nuur Tootoow, waxaana qeybtaasi lagu kala nastay gool la’aan 0-0.

Markii dib leysugu soo laaabtay qeybta labaad ayey kooxda Elman waxaa ay lasoo shirtagtay weeraro is daba joog ah, laakiin uma suurta gelin iney ka faa’ideystaan, waxaana isla qeybtaasi kaar kale digniin la siiyey Ciyaaryahan Axmed oo lambarka 18-aad u qaata MCC,  sidoo kale dhamaadkii kulanka ayuu markale xidig MCC u dheela qaatay Kaar digniinta markii uu kubadda tuuray.

Laakiin dhamaadkii daqiiqaddii 89-aad ayey kooxda MCC heleen fursad ay gool ku dhaliyeen markii kubad lasoo saaray uu si fiican gees u dhigey kabtanka kooxda MCC Ciise C/qaadir waxaana xabadka ku qaatay oo hal talaabo la dhaqaaqay ciyaaryahanka lambarka 14-aad oo lagu magacaabo Zakarie kaasi oo laad qurux badan dhex dhigey dhabaqa, waxaana xusid mudan in xagaagii hore uu katirsanaa kooxda Elman, sidaa ayuuna kulanku kusoo dhamaaday 1-0 oo ay kooxda MMC guushu ku raacday.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button