Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYA

SAWIRRO: Dekaddaha Iyo Gaadiidka oo Isku Garbo Dhacay Kulankoodii Koobaad SPL.

Kooxaha kubadda cagta  Gaadiidka iyo Dekaddaha ayaa galabta kulan xiiso badan ku wada yeeshay garoonka Eng-yariisoow Stadiom ee degmada C/casiis, ciyaartan oo lka tirsanayd horyaalka heerka koobaad somali premier league xili ciyaareedka 2020-2021 waxey soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan oo awood ahaan garbo siman, weeraryahanka  kooxda kubadda cagta Gaadiidka Tegeka Stephan ayaa daqiiqadii 20-aad fursad cajiib ah waxaa ka bad baadiyay goolhaye Dheere Cabdi Dheere sidoo kale waxaa jiray fursado ay abuureen ciyaartoyda kooxda Dekaddaha qaybtii hore ciyaarta, laakiin kama aysan faa’’iideysan waxaana lagu kala nastay qaybtii koobaad 0-0.

Garsoore Xasan Baari ayaa bixiyay labo kaar oo ah kaarka hurdiga qaybtii hore waxaana la kala siiyay labada kooxood kaarkii ugu horreeyay waxaa loo taagay ciyaaryahanka lambarka 12-aad naadiga Gaadiidka C/dullaahi Cabdi daqiiqadii 20-aad halka Dekadda uu ka qaatay lambarka 6-aad Duu’’uud Cabdulaahi daqiiqadii 29-aad qaybtii hore ee ciyaarta.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda kubadda cagta Gaadiidka waxey la soo laabteen ciyaar weerar ku dhisan taas oo keentay iney helaan kubad laga dafay daafaca dambe kooxda Dekaddaha waxaana kubadaas gool u beddalay Lambarka 10-aad ee kooxda Gaadiidka Nicklos Kagaawa daqiiqadii 55-aad isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay hoggaanka ku qabatay kooxdiisa Gaadiidka, weeraryahanka kooxda Gaadiidka Nickolos Kagaawa wuxuu ahaa mid weerar badan ku hayay daafaca kooxda Dekadda hase yeeshe wuu dhaawacmay, waxaana lagu beddalay Xasan Cabdi Xasan daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta.

CIyaaryahanka lamabarka 12-aad Refael Adade ee kooxda kubadda cagta dekadda daafaca bidix ugu ciyaaro ayaa kooxdiisa waqti dambe ka farxiyay waxaana uu ahaa goolka uu dhaliyay mid uu ka toogtay meel ka baxsan diilinta 18-ka daqiiqadii 75-aad, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay barbaro 1-1, qaybtii labaad kooxda dekadda waxey qaateen kaarkii labaad ee hurdiga waxaana loo taagay lambarka 7-aad Daadir Xasan Xaashi oo beddal ku soo galay ciyaarta, halka kooxda kubadda cagta gaadiidka qaybtii hore hal kaar ay qaateen.

Horyaalka heerka 1-aad ee dalkeena somali premier league oo furmay isbuucan dhamaan kooxaha waxey ciyaareen kulamadooda koobaad.

WQ/ Daacad

Image may contain: 4 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 11 people, people standing, people playing sport and outdoor
Image may contain: 8 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 3 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 3 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 5 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor, text that says "ട ASTR www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor, text that says "ငി AT 6 card nremier ellet premier wallet www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button