Breaking NewsHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYA

SAWIRRO: Heegan Oo Guul Ka Gaartay Kooxda Jeenyo.

Kooxaha kubadda cagta Heegan iyo Jeenyo ayaa galabta kuwada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow kulan ka tirsan horyaalka Somaali Premier league,  labada kooxood waxey soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, waxaana qaybtii koobaad lagu kala nastay 0-0 mana jirin wax calaamad ah uu bixiyay Garoore Cumar Cartan oo ahaa garsoorah ciyaarta.

Marka dib la isugu sooo laabtay qaybtii 2-aad ee ciyaarta kooxda kubadda cagta jeenyo ayaa heshay gool waxaana goolkaasi u dhaliyay ciyaaryahanka lambar 8-aad u xirto Xasan C/rashiid   daqiiqadii 55-aad, goolka uu dhaliyay Xasan waxaa uu ahaa gool uu ka toogtay meel ka baxsan diilinta 18-ka ciyaarta, ayaana noqotay mid waji kale yeelatay, waqti badan kuma qaadan iney iska soo barbareeyaan kooxda heegay daqiiqadii 57-aad ayey dhaliyeen goolka barbaraha waxaana madax ku dhaliyay weeraryahankooda lambarka 9-aad Abdikaadir Eynoow oo ciyaarta ka dhigay  1-1 wuxuuna ahaa  goolkiisa ugu horreeyay uu u dhaliyo kooxdiisa heegan.

Ciyaartoyda Kooxda kubadda cagta heegan ayaa weerarka halkooda kasii waday waxaana fursado badan ka badbaadiyay goolhayaha naadiga jeenyo, daqiiqadii 87-aad ee kulanka, waxaa ciyaarta beddal looga saaray Meyman oo lamabarka 7-aad u xirto kooxda heegan kadib markii uu dhaawac muruqa uu soo gaaray waxaana lagu beddalay lambarka 19-aad C/najiib Nuur Ali oo dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 89-aad ee kulanka waxeyna ku qaadatay labo daqiiqo inuu goolka guusha kaga farxiyo taageerayaasha naadiga heegan natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-1 ay ku adkaatay kooxda heegan taas oo ka dhigan in heegan ay adkaatay labada kulan ay ciyaartay horyaalka Somaali Premier league halka naadiga jeenyo guuldaradii ugu horreysay ay galabta soo gaartay.

Garsoore Cumar Cartan ayaa bixiyay qaybtii labaad labo kaar oo ah kaarka hurdiga wuxuuna kala siiyay labada kooxood, kaarkii ugu horreeyay waxaa la siiyay ciyaaryahanka goolka u dhaliyay kooxda jeenyo Xasn C/rasshiid kdib markii uu iska siibay maaliyadiisa halka kaarka kale loo taagay Abdikaadir Siidoow (Seyga Ruushka) daqiiqadii 90-aad.

Kooxda heegan ayaa hadda hoggaanka horyaalka ku horkaceyso 6-dhibcood,

WQ/ Daacad

Image may contain: 4 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 7 people, people playing sport, people standing and outdoor, text that says "ငി AT pre HEEGANFC HEEGAN 1 www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: 10 people, people standing, people playing sport and outdoor, text that says "ငി T 我 www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: 4 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 7 people, outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport, people standing, outdoor and text
Image may contain: 4 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, outdoor and text

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button