Breaking NewsHORSEEDHORYAALADASomali premier leagueWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Hoorseed oo guushii koobaad ka gaartay horyaalka SPL xili Fu’aad Nokia goolkiisii ugu horeeyay dhaliyey

Iyada oo weli wejiga koobaad horyaalka kobaad Somalia uu ka socdo garoonka Eng yariisoow, ayaa kooxda HORSEED waxaa ay Fooda gelisey dhigeeda MIDNIMO kulanka ayaa ku biloowdey weerar iyo weerar celis waxaana kooxda Horseed ay soo qaadatay Guul daro kulankii koobaad ee ay ciyaartay markii kooxda uu hogaamiyo Tababare Cabdi Joon ee RAADSAN kaga soo badisey 1-0.

Kooxda HORSEED ayaa daqiiqaddii 11-aad waxaa ay hogaanka u qabteen ciyaarta, waxaana gool u dhaliyey saxiixooda Cusub FU’AAD NOKIA oo dhowaan ka keeneen Kismayo kaasoo kamid ahaa ciyaartoydii Maamulka JUBBALAND, hase yeeshee daqiiqadii 17-aad ayey MIDNIMO heshay fursadgoool loo filan karay oo uu laaday VICENTE laakiin daafaca lambarka 18-aad ee Horseed HANAD ayaa badbaadiyey oo difaacay.

Daqiiqadii 30-aad ayaa kubad gees looga keenay kabtanka cadaani barre waxaa uu la dhacay madax laakiin uma suurta gelin inuu gool dhaliyo, hase yeeshee daqiiqadii 41-aad ayuu weeraryahan lambarka 10-aad Farxaan Maxamed Axmed (farxaan Duqoow) waxaa uu sheekada ka dhigey 2-0 waxaana qeybtaasi lakgu kala nastay sidaasi.

Markii dib loo soo laabtay ayey labada dhinac sameeyeen weeraro laakiin waxaa kulanka guud ahaan kusoo dhamaaday 2-0 oo ay guushii koobaad sadexda dhibic ku qaateen kooxda HORSEED oo la xusuuso in kulankii koobaad qasaaro kasoo gaartay Macalinkoodii hore ee Cabdi Joon sidoo kale kulankaasi 2 kaar guduud ah qaateen ciyaartoydooda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button