Breaking NewsHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYA

SAWIRRO: Muxuu Ku Soo Dhamaaday Kulankii U Dhexeeyay Kooxaha Muqdisho City & G/Afrika.

Kulankan oo ka tirsanaa horyaalka heerka koobaad ee dalkeena Somali Premier league ayaa galabta wuxuu dhexmaray kooxaha kala ah Muqdisho City iyo G/Afrika ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan waxey labada kooxood abuureen fursado aad u qatar badan, daqiiqadii 32-aad ee kulanka daafaca dambe ee kooxda muqdisho city Axmed Baanu ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu madax ku dhaliyay kubad aheyd laadka xurta (Free Kick) waxaana kubadaas soo laaday Xasan Santoos, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda muqdisho city.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad kooxda kubada cagta  G/afrika waxey sameeyeen iskudayo ay ku doonayeen goolka barbaraha ee ciyaarta hase yeeshee waxaa quusiyay oo goolkii labaad ka dhaliyay ciyaaryahanka ku cusub kooxda muqdisho city lambarka 18-aad Axmed Xuseen daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta kaasoo lagu beddalay Cabdala Ismaaciil Axmed wuxuu kamid ahaa ciyaartoydii u ciyaareysay tartankii degmooyinka degmada Balcad, wuxuuna kulankan u ahaa kulankiisa ugu horreeyay uu u safto kooxda Muqdisho, natiijada kulanka ayaana ku soo dhamaatay 2-0 ay ku adkaatay kooxda muqdisho city oo kala warreegtay hoggaanka horyaalka Somali Premier league naadiga heegan.

Qaybtii labaad ee ciyaarta waxaa calaamada hurdiga loo taagay labo kamid ah xiddigaha kooxda kubadda cagta G/afrika C/fitaax Xasan Bare iyo Hanad Siyaad, kooxda Geeska afrika waxaa soo gaartay guuldaradii ugu horreysay horyaalka maadaama kulankoodii ugu horreeyay ay barbaro la galeen kooxda jeenyo.

Maalinta beri waxaa wada ciyaari doono kooxaha Gaadiidka iyo Raadsan

WQ/Daacad

Image may contain: 5 people, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing, people playing sport and outdoor, text that says "ငി T Somali Premier Leacue 2020- 202, premier bank SOMALI PREMIER SFF REAGUE premier bank 20 premier 兵 2020 /2021 我 www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: 3 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, standing and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, standing, outdoor and text
Image may contain: 11 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 11 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport, people standing, outdoor and text
Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport, people standing and outdoor, text that says "ടി ATA SPORTS Anier bank 我 www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: 2 people, people playing sport and outdoor, text that says "ടി ATR www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor, text that says "ငി ATA SPORTS GEES MCC 28 www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button