GAADIIDKAHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Tababare Cabdi Joon oo guushii Labaad xiriir ah gaartay xili ay gareen kooxo waaweyn

Kooxaha kubadda cagta RAADSAN iyo GAADIIDKA oo kamid ah kooxaha sare ee dalka ayaa isku faro saaray kulamadooda labaad ee horyaalka SPL 2021 iyadooo kulanka uu ku biloowdey xili ay guul wada baadi goobayaan dhinacyadu, waxaana kubaduu ay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis,leysku helay fursado aan duurta gelin in la dhameeystiro.

Qeybtii labaad markii leysku soo labtay ayaa kooxda RAADSAN waxay weeraro dhowr ah ku qaadeen goosha kooxda Gaadiidka, waxaana daqiiqadii 55-aad u suurta gashay iney hogaanka qabtaan markii kubad si fiican looga soo shaqeeyay oo uu afka hore goosha soo dhigey lambarka 10-aad RAADSAN Jirbtiil Xasan fariid, waxaana shabaqa ku hubsadey weeraryahan C/Wahaab Aweys oo la xusuusto inuu soo dhaliyey goolkii guusha ee kooxda Horseed kaga adkaadeen.

Si kastaba kooxda RAADSAN ayaa hadda leh 6 dhibic iyagoo hogaankka la haayo kooxda MUQDISHO CITY oo labo gool soo gaartay isla markaana dhanka goolasha ku heeysa hogaanka, waxaana dganka kale Tababare Cabdi Joon oo ku cusub hogaaminta kooxda uu iminka u muuqdaa mid kooxda gaarsiin karo heerarka sare xili ciyaareedkan, walloow xagaagii hore ay kamid ahayd kooxaha heerka koobaad,DHANKA KALE KOOXDA jUNERSKA rAADSAN AYAA 1-0 WAXAY UGA BADIYEEN ISLA KOOXDA gaadiidka kulan ka dhacay isla garoonka Eng yariisow.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button