Breaking NewsHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYA

SAWIRRO: Kooxda Elman Oo Guul Dirqi ah Ka Gaartatay Naadiga Dekaddaha SPL.

Kooxda kubadda cagta Elman ayaa galabta gaartay guushii ugu horreysay horaaylka Somali Premier League kadib ciyaar xiiso badan ay wada yeesheen naadiga k/cagta dekaddaha, kulankaan oo ahaa mid aad u adag waxey labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed ku dhisan weerar iyo weeray celis.

Qaybtii hore ee kulanka daqiiqadii 10-aad  kooxda k/cagta Dekadda ayaa heshay gool waxaana goolkaasi uu ahaa kubad laadka xurta ah (Free Kick) taas uu ka toogtay meel u dhaw diilinta 18-ka ciyaaryahanka lambarka 8-aad ee kooxda dekadda Maalik Akuah kadib qalad uu galay goolhayaha naadiga Elman C/raxmaan Maxamuud oo meel u dhaw diilinta ganaaxa ku jilaafay mid kamid ah ciyaartoyda kooxda dekadda, balse naadiga Elman ayey ku qaadatay  shan daqiiqo kadib iney iska soo  barbareeyaan goolka laga dhaliyay waxaana u saxiixay weeraryahankooda Avemah Shafiiq daqiiqaii 15-aad ee ciyaarta, qaybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay1-1.

Garsoore Cumar Cartan oo ahaa garsooraha kulankaan ayaa bixiyay labo kaar oo ah kaararka hurdiga ama digniinta wuxuuna kala siiyay labada dhinac kaarkii ugu horreeyay kulanka waxaa loo taagay daafaca kooxda dekadda Aweah Micheal, daqiiqadii 4-aad ee kulanka halka kaarka kale loo taagay goohayaha kooxda Elman C/raxmaan Maxamuud ma jirin calaamad kale uu bixiyay garsooraha qaybtii hore ciyaarta.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxaa dhaawac soo gaaray ciyaaryahanka kooxda Elman Nuur iraad oo lagu beddalay Jamaal C/raxmaan daqiiqadii 59-aad labada kooxood qaybtii labaad waxey abuureen fursado halis ku ahaa labada dhinac, hase yeeshee ciyaaryahanka lambarka 7-aad Xamza Xasan ayaa taageerayaasha Elman ka farxiyay kadib markii uu dhaliayay goolka guusha daqiiqadii 95-aad sideed daqiiqo oo lagu daray kulanka maadaama ay jireen dhaawacyo hakad galiyay ciyaarta taas oo keentay in lagu daro 8-daqiiqo natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-1 ay ku adkaatay kooxda Elman oo guushii ugu horreysay gaartay galabta maadaama kulankoodii ugu horreeyay ay guuldaro kala kulmeen kooxda Muqdisho City.

Qaybtii labaad waxaa calaamadaha digniinta loo taagay labada kooxood kaarka hurdiga kooxda dekadda waxaa la siiyayay C/risaaq oo lambarka 3-aad u xirto halka ciyaaryahanka lambarka 2-aad u xirto kooxda Elman Nuur Tootow loo taagay kaarka hurdiga qaybtii labaad, taas oo ka dhigan in koox walbo loo taagay guud ahaan wadarka kaararka hurdiga min 2 kaar.

WQ/ Daacad.

Image may contain: 6 people
Image may contain: 11 people
Image may contain: 12 people
No photo description available.
Image may contain: 1 person
No photo description available.
Image may contain: 2 people
Image may contain: 2 people
Image may contain: 1 person
Image may contain: 2 people
Image may contain: 3 people
Image may contain: 4 people
Image may contain: 1 person
No photo description available.
No photo description available.
Image may contain: 1 person
No photo description available.
Image may contain: 2 people

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button