GAADIIDKAHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRRO: Dekedaha oo si fudud ku dhaaftay Geeska Africa xili Gaadiidka ay la kuftay Midnimo Horyaalka SPL

Naadga Dekedaha ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Geeska Africa ciyaar xiiso lahayd oo ku tirsaneyd horyaalka heerka koobaad ee dalka 2020/2021, kaasi oo si xiiso leh uga socda garoonka eng-yariisoow ee degmada C/casiis, gobolka banaadir.

Kulanka labada koox ayaa ku biloowdey weerar iyo weerar celis inkasta oo kooxda Dekedaha ay ku bilaabeen dardar iyo fursado abuuris waxaana xusid mudan in daqiiqadii 7aad ciyaaryahan Raffael oo weerar ugu ciyaara Dekedaha uu helay fursad gool lagu dhalinn karey hase yeeshee kubadii uu si fiiican u laaday waxaa badbaadiyey gool celiyaha kooxdda Geeska Africa, sidoo kale Laad toos ah (Free Kick) uu laaday raffael wax yar ay goosha hormartay.

Sidoo kale kooxda Dekadaha ayaa weearo culus ku qaaday goosha Geeska Raffael iyo Richard ayaana ahaa halista daafacyada kooxda Geeska Africa ee dhowaan galka ah, waxaana markii danbe gool-kulaad heslay kooxda DEKEDAHA daqiiqadii 42-aad ciyaaryahan Richards ayaana dhaliyey halkaasoo uu ku saxiixey goolkiisii ugu horeeyey ee kooxdiisa xili ciyaareedkan, waxaana kulanka qeybtaa lagu kala nastay 1-0 hogaanka ku hayeen Dekedaha.

Qeybtii labaad ayey labada dhinac gaar ahaan Dekeddaha sameeyeen weeraro culus waxaana fursado sameyey raffael iyo Richards,inkastoo goolkhayaha kooxda Geeska Africa aad u dadaalay waxaase daqiiqadii 54-aad kubbad uu gees ka keenay lambarka 2-aad Dekedaha Maxamuud uu si fiican u dhameystirey lambarka 7-aad DAADIR Xasan Xaashi (Jalla) oo kooxda kaga soo biiray kooxda Jeenyo, ugu danbeystiina daafaca lagu magacaabo C/weli C/Raxmaan ayaa ka dhigey 3-0 in kooxda DEKEDAHA guushu ku raacdey.

Dhanka kale kooxda Gaadiidka ayaa bar bardhac 1-1 la gashay dhigeeda MIDNIMO kulankooda horyaalka iyadoo beri kulan xiiso badan uu dhex mari doono kooxaha RAADSAN iyo ELMAN oo kulamadodii ugu danbeeyey guul soo wada gaaray.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button