Breaking NewsGAADIIDKAHORSEEDHORYAALADASOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Gaadiidka oo dhulka la sintey Horseed xili shabaq ilaaliyaha Ciyaarta laga saaray SPL

Kooxda Kubadda Cagta ee Gaadiidka ayaa guul muhiim ah ka gaartay kulan ciyaareed kutirsanaa horyaalka heerka koobaad ee dalka oo galabta ka dhacay garoonka eng yariisoow ee degmada C/casiis, waxaana ay halkaasi ciyaar xiiso leh kula yeelatay kooxda HORSEED.

Kulanka ayaa ku biloowdey weerar iyo weerar celis waxaana daqiiqadii 2aad hogaanka qabtay kooxda HORSEED markii Laad Toos ah (Free Kick) si qurux badan uu ugu saxiixay weeraryahankooda cusub IBRAAHIM ILYEES, laakiin waxaa sheekada soo celiyey oo gool qurux badan ku bareejeeyey weeraryahanka reer UGANDA Nicolas Kagawa kaasi oo markii goolka uu saxiixay kubadda kula dhegay goolhayaha kooxda HORSEED oo halkaa ka sameeyey gacan qaad ciyaartana laga saaray wuxuu qaatay Kaar Guduud Toos ah.

Wixii intaa ka danbeeyey waxaa culeys la saaray kooxda Horseed oo weeraro culus lagu qaaday gooolkooda, waxaana markale shabaqa gaaray kooxda GAADIIDKA ciyaaryahan DAANYA ayaana ka dhigey in kooxdiisa hogaanka ku qabato 2-1 sidaa ayaana lagu kala nastay qeybta koobaad.

Markii lasoo laabtay qeybta labaad ayey kooxda HORSEED sameeysay isku dayo hase yeeshee weeraryahan NICOLAS KAGAWA yaa Laad aad u xoogan daba mariyey goolhayaha Horseed ee bedelka lagu keenay kubaddaas oo uu qaladkeeda lahaa ciyaaryahan FU’AAD NOOKIYA oo bedel lagu soo geliyey oo si qalad u dhiibtay, sidoo kale KAGAWA ayaa birta garaacay waxaana uu ahaa xiddiga ugu wanaagsan garoonka kulankuna wuxuu kusoo dhamaaday 3-1 oo ay Guushu ku raacday GAADIIDKA.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button