Breaking NewsDAKADDAHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda MCC oo Guul Muhiim ah ka gaartay dhigeeda Dekedaha horyaalka Soomaaliya

Kooxaha Kubadda cagta MCC iyo MDekedaha ayaa galabta kuwada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow  kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League, 2020/21,ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan qaybtii hore ee kulanka labada kooxood waxaa ay ciyaarayeen kubad dhex ku dagaalan ahayd oo waxaa aad loo soo buux dhaafiyey khadka dhexe keliya kubadaha tuuriska ayaa lagu weerartagayey kuwaa oo aan suurtagelin in gool lagu helo.

wallow aysan jirin fursado sidaa u weyn oo ay sameeyeen qeybtaasi koobaad ee ciyaarta waxaa lagu kala tegey gool la’aan 0-0 waxaana xusid mudan in Lambarka 4-aad ee kooxda Dekedaha IDIRIS AMIIN uu soo gaaray dhaawac sababay inuu dhameysan waayo qeybtaasi hore oo loola cararay Isbitaal waxaana lagu bedelay maxamed Hareedka oo lambarka 19-aad u qaata dekedaha.

Qeybtii labaad markii lasoo laabtay ayey kooxda MCC waxaa ay sameeyeen isku dayo lagu gaaray diilinta 18-aad waxaana sidoo kale kooxda DEKEDAHA ay sameeyeen fursadii ugu wanaagsaneyd qeybtaasi markii Kabtankooda CABAAS AMIIN uu kubad si fiican u qaatay la galay xerada ganaaxa hase yeeshee si dirqi ah looga saaray kahor inta uusan gooolka ku laadin, hase yeeshee kooxda MCC ayaa fursad abuurtay taasoo uu si dirqi ah kusoo bixiyey mid kamid ah daafacyadoodii gaar ahaan lambarka 5-aad laakiin kubad gacan tuur ku timid oo lasoo saaray ayaa waxaa Laad si qurux badan iyadoo aysan kubaddu dhulka dhicin meel 23 mitir ujirta goolka ka toogtay ciyaaryahan lambarka 14-aad ZAKARIA oo u dhashey dalka Ghana kaasoo hogaanka u dhiibay kooxdiisa MCC.

MCC ayaa sidoo kale waxaa ay sameeyeen weeraro ay doonayeen iney hogaanka kusii dheereeyaan halka Dekedaha ay doonayeen iney soo celiyaan deynta lagu lahaa hase yeeshee dhamaadkii kulanka waxaa KAAR GUDUUD si TOOs ah u qaatay Khadka dhexe kooxda DEKEDAHA Daauud Tubaal oo qalad ku sameeyey lambarka 8-aad Xassan Santos diaana kulanku 1-0 ayuu kusoo dhamaaday oo guushu ku raacday MCC oo hadda 12-dhibic la wadaagta kooxda RAADSAN.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button