Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYA

SAWIRRO: Kooxda Horseed oo Guul Wayn Ka Gaartay Naadiga Elman SPL.

Kooxda kubadda cagta horseed ayaa galabta guul muhiim ah ka gaartay naadiga Elman kulan ka tirsanaa horyaalka Somaali Premier league oo lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoo ee degmada C/casiis.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag waxey labada kooxdood soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan waxaana qaybtii hore kulanka kooxda horseed ay la timid gool uu dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 14-aad Kariim Ndugwa kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta kubad uu caawinteeda lahaa Cadaani Bare, hase yeeshee waxaa jiray kubad halis ah ay abuureen ciyaartoyda naadiga Elman waxaana usha goosha horseed ku garaacay ciyaaryahanka lagu magacaabo Maxamed Cusmaan qaybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda horseed.

Garsoore C/fitaax Saciid Mire oo ahaa garsooraha kulankaan ayaa bixiyay qaybtii hore ee ciyaarta labo kaar oo ah kaarka hurdiga waxaana la kala siiyay labada kooxood, kaarkii ugu horreeyay waxaa loo taagay ciyaaryahanka lambarka 11-aad Cadaani Bare Ciise daqiiqadii 27-aad halka kooxda Elman la siiyay ciyaaryahanka lambarka 22-aad Jamaal C/raxmaan daqiiqadii 29-aad ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda kubadda cagta Elman waxey soo bandhigeen qaab ciyaareed weerar ku dhisan waxeyna abuureen fursado goolal loo filan hase yeeshee wey iska qasaariyeen fursadahaasi

Dhanka kale naadiga horseed macalinkeeda wuxuu sameeyay beddal wax badan ka beddalay cadaadiskii saarnaaa kooxdiisa, waxaana uu ciyaarta beddal ku keenay xiddigaha kala ah Farxaan Xidig iyo Bile Muxudiin oo labaduba dhaliyeen goolal, daqiiqadii 83- waxaa daafaca ahne kabtanka kooxda elman uu diilinta ganaaxa ku jilaafay Bile Muxudiin oo weerarka ugu ciyaaro naadiga horseed waxaana gool ku laadka loo dhigay kooxda horseed gool u beddalay Bile Muxudiin oo ciyaarta ka dhigay 2-0,

Dhamaadkii ciyaarta waxey mar kale ka faa’’iideysteen fursad kale oo soo martay kooxda horseed waxaana goolkii 3-aad u dhaliyayay lambarka 10-aad Farxaan Xidig caawin uu ka helay Bile Muxudiib Buraale daqiiqadii 27-aad natiijada ciyaarta ayaa  ku soo dhamaatay 3-0 ay ku adkaatay kooxda horseed,

Kooxda Elman uma wanaagsano bilowga horyaalka maadaama 5-tii kulan ay ciyaartay laga adkaaday 4 kulan kaliya hal kulan ayey guul gaareen.

WQ/ Daacad

May be an image of 5 people, people standing, people playing American football and outdoors
May be an image of 12 people, people standing, outdoors and text that says "ടി SPORTS premier www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of one or more people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 4 people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 1 person, playing American football, standing and grass
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 1 person, standing, playing American football and outdoors
May be an image of 3 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of one or more people, people standing, people playing American football, grass and text

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button