Breaking NewsHORYAALADAJEENYONewsSomali premier leagueSOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Hogaamiyayaashii horyaalka oo taako loo dhigey kulan adag oo ay Jeenyo la yeesheen

Kooxaha kubada Cagta Raadsan iyo Jeenyo ayaa wada ciyaaray kulan ciyaareed kutirsanaa kulamadii shanaad ee wejiga koobaad horyaalka heerka koobaad ee kubadda cagta dalka 2020/21 waxaana kulanka labada kooxood uu ahaa mid aad u adag oo ay ciyaartoydu sameeyeen isku dayo dhowr ah oo ay ku doonayeen iney hogaanka ku qabtaan.

Daqiiqadii 13-aad ayey kooxda JEENYO waxaa ay qabatay hogaanka ciyaarta markii Ciyaaryahan Sawafa Matubi oo lamabar 20-u qaata uu banaanka ka toogtay kubad aad u qurux badan oo loo baasay, waxaana halkaasi JEENYO kasii waday weerarkii ay saareysay goosha kooxda RAADSAN , waxaana daqiiqadii 30-aad garoonka laga saaray Tababare CABDI JOON oo la murmaty garsooraha ciyaarta oo Jaale ku bixiyey Qalad laga galay ciyaaryahan RAADSAN katirsan oo uu Macalinku tilmaamay iney ahayd in GUDUUD loo taago ciyaaryahanka Khaladka sameeyey.

Qeybta koobaad waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku hayeen kooxda JEENYO markii lasoo laaabtay ayey koxda RAADSAN sameeyeen isku dayo ay ku doonayeen iney kusoo celiyaan goolka lagu lahaa, Weeraryahan CUMAR SULEYMAAN ayaa daqiiqadii 72aad Madaxa ku dhaliyey goolka ciyaarta ka dhigay mid siman 1-1, sidaa ayuuna kulanku kusoo dhamaaday waana goolkii ugu horeeyay ee kooxda RAADSAN laga dhaliyo 5 kulan oo ay ciyaareen iyagoo hadda 13 dhibic ku horkacaya hogaanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button