Breaking NewsSOOMAALIYA

RASMI: Cabdicasiis Maxamed Catoos Oo Ka Tagay Kooxda Dekaddaha

Ciyaaryahanka lambarka 10-aad ee kooxda Dekaddaha C/casiis Catoosh ayaa isaga tagay kooxdiisa maanta kadib muddo saddex sano uu ka tirsanaa naadiga Dekaddaha.

C/casiis Catoosh oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan horyaalka Somaali Premier league ayaa kooxda Dekaddaha kula guuleystay muddadii uu ka tirsanaa Seddax horyaal wuxuuna qayb ka ahaa ciyaartoydii kooxda Dekaddaha ka caawiyay iney ku guuleystaan  saddex xili ciyaareed oo isku xigto horyaalka Somaali Premier League.

Lama ogo sabata dhabta ee ka dambeyso bixitaanka Catoosh hase yeeshee ciyaaryahanka ayaa laga waayay safka koobaad ee kooxda Dekaddaha shantii kulan ay ciyaartay iyadoo labo kulan oo ka mid ah uu beddal ku soo galay, Catoosh ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda safka koobaad sanadihii la soo dhafay.

Si kastaba Kooxda Dekaddaha ayaa la soo warreegtay ciyaartoy cusub uu kamid yahay ciyaaryahanka lagu magacaabo  Xaaji Macalim Aadan oo ka ciyaaro lambarka 10-aad kaas oo bandhig wanaagsan ka sameeyay kulamadii uu u ciyaaray kooxda Dekaddaha Horyaalka Somaali Premeir League, waxaana horey ugu soo ciyaaray degmada waaberi tartankii degmooyinka gobolka banaadir,  sidoo kale wuxuu kamid ahaa ciyaartoydii ku guuleystay koobka Maamul Goboleedyada Xulka Gobalka Banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button