Breaking NewsSOOMAALIYA

RASMI: Kooxda kubadda Cagta Elman SC Oo Shaqada Macalinimo Ka Ceyrisay Macalin Muraad.

Kooxda kubadda cagta Elman SC ayaa shaqada macalinimo ka ceerisay macalin Murad Abdulkadir Mohamud oo kooxda Elman loo magacaabay Bishii November 2020.

Macalin Murad Abdulkadir ayaa tan iyo xiligaasi kooxda maamulay shan kulan oo ka tirsan horyaalka heerka koobaad ee dalkeena Somaali Premier league, waxaaana kooxda elman ay adkaatay kaliya hal kulan halka afarta kulan ee kale waa laga adkaaday,

Dhanka kale kooxda Elman SC ayaa barta ay ku leeyihiin Facebook ku daabacay war saxaafadeed ku saabsan shaqa ka joojinta macalin Muraad C/qaadir  qoraalka ayaana u qornaa.

”Tani waxay ahayd go’aan aad u adag, mana ahan mid maamulka iyo Guddigu sare ee Naadiga ay si fudud u qaateen.

Waxaan uga mahadcelineynaa macalin Murad Abdulkadir Mohamud juhdiga iyo waqtiga uu geliyay kooxda inta uu ahaa Tababaraha Kooxda.

Si kastaba ha ahaato, natiijooyinkii ciyaarihii ay kooxda ciyaartay iyo dadaalka Macalinkaba ma aysan buuxin rajadii Naadiga iyo Natiijadii la filan karay, taasoo ka dhigeysa naadiga in uu maanta uga jiro kala horeenta kooxaha kaalinta labaad ee ugu dambeysa iyadoo aan laheyn waddo cad oo lagu horumarin karo ee uu Macalinka la yimid ama uu cadeeyay.

Marnaba xiligaan naadiga ma jecleyn mana fileyn in la fasaxo tabaraha, laakiin wadatashi dheer iyo tixgelin codsiyada dadka jecel hormarka Naadiga kadib, waxaa la go’aamiyay in loo baahan yahay isbedel degdeg ah si kooxda loogu sameeyo fursad ay kusoo kabato, waxna uga badasho natiijooyinka ciyaaraha inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horreesay taarikhda kooxda Elman ay lumiso afar kamid ah shantan kulan ugu horreyso horyaalka Somaali Premier league.

W/Q: Shucayb Haamud Ibraahim   

May be an image of text

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button