Breaking NewsELMANGAADIIDKAHORYAALADANewsSomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Elman oo guul Dirqi ah ka gaartay kooxda Gaadiidka Horyaalka SPL

Kooxaha kubada Cagta Elman iyo Gaadiidka ayaa wada ciyaaray kulan ciyaareed kutirsanaa kulamadii Lixaad ee wejiga koobaad horyaalka heerka koobaad ee kubadda cagta dalka 2020/21 waxaana kulanka labada kooxood uu ahaa mid aad u adag oo ay ciyaartoydu sameeyeen isku dayo dhowr ah oo ay ku doonayeen iney hogaanka ku qabtaan.

Daqiiqadii 1-aad ee bilowga ciyaarta ayey kooxda ELMAN waxaa ay qabteen hogaanka ciyaarta markii Ciyaaryahankooxda lambarka 22-aad JAMAAL C/RAXMAAN uu u saxiixay waxaana goolkaasi uu noqdey midkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee horyaalka laga dhaliyo ilaa iyo kulamadii iminka lasoo dheelay, kooxda Gaadiidka ayaa kadib sameeysay fursado weerar ah oo ay ku doonayeen iney kusoo celiyaan hogaanka laga qabtay, laakiin waxba uma suurta gelin oo waxaa qeybtaasi hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku hayeen koooxda ELMAN FC.

Markii dib loo soo laabtay ayey sidoo kale labada dhinac sameeyeen is bedelo iyadoo kooxda Elamna ay keensay Xamza Xassan iyo Cismaan salaad, halka kooxda GAADIIDKA ay bedel ku keentay Feysal Maxamed iyo Yaxye Qaasim hase yeeshee isku dayo ay sameeyeen labada dhinac qeybtaasi labaad wax gool ah midkoona muusan helin waxaana kulanka uu guud ahaan kusoo dhamaaday 1-0 oo kooxda Elman ku qaadatay dibcihii kulanka iyadoo ay xusid mudan tahay in kooxda Elman dhowaan ceyrisey Tababaheedii bilowga horyaalka leylinayey kooxda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button