Breaking NewsHORYAALADANewsSomali premier leagueSOOMAALIYASportsWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda MCC oo si dirqi ah kula wareegtay Hogaanka horyaalka SPL kadib kulan xiiso lahaa

Kooxda Kubadda cagta ee MMC ayaa markii ugu horeeysay la wareegtay hogaanka horyaalka Dalka kadib markii ciyaar aad u kululeyd ay la yeesheen dhigooda RAADSAN oo horyaalka horgaamineysay tan iyo biloowgii horyaalka Somalia Premier League oo kulamadii Lixaad la marayo wejiga koobaad.

Labada kooxood ayaa qeybta hore kubadoodu u badneyd mid dhexda uun ku kooban oo aysan jirin kubad weerar gal ahayd oo halis ku noqotay labada gool celiye marka laga reebo ciyaaryahan kooxda Raadsan oo mar laad xooogan ku riday goolhaye Siciid Yemeni taasoo sababtay in Goolhayaha iyo kabtanka kooxda MMC ay isku dhacaan oo ay is af dhaafaan wallow markii danbe Tababarahoooda laakiin dhamaadka qeybta koobaad ayey kooxda MMC u suurta gashay iney hogaanka qabtaan markii kubad gees laga soo laaday uu cag ku wareejiyey ciyaaryahanka Lambarka 18-aad Axmed Xuseen oo kamid ahaa ciyaaryahanadii degmada BALCAD u meteshay koobkii degmooyinka kaasoo ay soo qaadatay MMC waxaana lagu kala nastay qebtaasi 1-0.

Markii lasoo laabtay ayey dhinacyadu sameeyeen is bedelo ciyaaryahano dhowr ah, waxaana kooxda RAADSAN ay heleen fursad ay kusoo celin kareen deynta lagu lahaa markii kubad uu qaaday ciyaaryahankii hore kooxda MMC oo hadda u dheela RAADSAN Xasan Siidow gacanta ay uga dhacday daafac kamid ah MMC waxaa loo dhigey gool kulaad (Penalty) hase yeeshee waxaa qaatay Kabtanka kulankii galabta ee RAADSAN ciyaaryahan CABAAS laakiin waxaa dadaal sameeyey oo diidey iney kubadda dhaafo gool celiyaha kooxda MMC Siciid Aweys Yemeni waxaana markaasi kadib bedel lagu keenay Ciyaaryahan JIBRIIIL FARID oo dhaawac kaga maqnaa kasoo laabtay weeraro culus ayaana lagu qaaday daafacyada MMC hase yeeshee kulanku wuxuu kusoo dhamaaday 1-0 oo MMC kula wareegtay hogaanka horyaalka iyagoo hadda leh 15-dhibic Raadsan 13 dhibic, beri waxaa ballansan HORSEED iyo GEESKA AFRIKA.

.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button