Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYA

Kooxda K/Cagta Horseed Oo Iska Xaadirisay Kaalinta 3-aad SPL Kadib Guul Ay Gaartay Naadiga G/Afrika.

Kooxda kubadda cagta horseed ayaa galabta guul ay ka gaartay naadiga G/afrika waxey ku xaqiijisay booska saddaxaad ee kala sareynta horyaalka Somaali Premier Leagu, kulankaan oo lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoow waxey labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan walloow kooxda horseed ay ku gacan sareysay ciyaartii galabta, waxaana jiray fursado laga badbaadiyay ciyaartoyda kooxda horseed Ibraahim Ilyaas iyo Joshou Abdal oo weerarka ugu ciyaaro naadiga horseed waxaana qaybtii koobaad la isku mari waayay 0-0 maadaama ciyaartoyda G/afrika ay iska difaaceen weerarada halista ah ee kaga imaanayay kooxda horseed.

Garsoore Najiib Cawil oo ahaa garsooraha ciyaarta ayaa bixiyay qaybtii hore labo kaar oo ah kaarka hurdiga wuxuuna kala siiyay ciyaartoyda labada dhinac, kaarkii ugu horeeyay waxaa la siiyay lambarka 15-aad Maxa’ed C/llaah oo ka tirsan kooxda G/afrika daqiiqadii 34-aad halka kaarka kale loo taagay ciyaaryahanka kooxda horseed lambarka 28-aad Ibraahim Ilyaas daqiiqadii 43-aad ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda horseed waxey beddal ku keeneen ciyaaryahan Farxaan Xiddig daqiiqadii 46-aad waxaana beddal ku baxay lambarka 11-aad  Cadaani Bare, Farxaan Xiddig oo beddal ku soo galay ciyaarta ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa horseed isagoo garoonka ku jiro hal daqiiqo waxaana goolkaasi ka caawiyay Joshua Abdal oo kamid weeraryahanda kooxda horseed  daqiiqadii 47-aad wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0,

Dhanka kale Ciyaartoyda kooxda G/afrika ayaa iska soo barbareeyay goolkaasi daqiiqadii 58-aad kadib markii uu gool u dhaliyay weraryahankooda lambarka 9-aad Muuse, caawin uu ka helay saaxibkiisa Nageeye Deeq, waxey ciyaartu socotaba kooxda horseed ayaa heshay kubad gool kulaad ah kadib markii uu gacanta ku taabtay kubadda diilinta ganaaxa dhexdeeda ciyaaryahan Mustaf oo ka tirsan G/afrika waxaana gool kulaadkaasi gool u beddalay Abdikariim Abdala Qubaaye daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta isagoo mar kale kooxdiisa u dhiibay hoggaanka ciyaarta 2-1

Bandhiga goolasha kooxda horseed waxaa soo gebagabeeyay daqiiqadii 80-aad  lambarka 15-aad Nuur Messi oo beddal ku soo galay ciyaarta qaybtii labaad waxaana lagu beddalay weraryahanka lambarka 14-aad Kariim goolka uu dhaliyay Nuur waxaa ka caawiyay Farxaan Xidig, natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-1 ay ku adkaatay kooxda horseed oo xiratay booska saddaxaad ee kala sareynta horyaalka Somaali Premier League.

Garsoore Najiib Cawil ayaa bixiyay qaybtii labaad min 2 kaar oo ah kaarka hurdiga waxaana la kala siiyay labada dhinac, kooxda horseed waxaa loo taagay Abdikariim Qubaaye halka G/afrika la siiyay Ciyaaryahan Mustaf taas oo ka dhigan in koox walbo loo diiwan galiyay min 2 kaar labada qayb ee ciyaarta.

Si kastaba Kooxda Horseed oo leh 10-dhibcood ayaa soo gashay kaalinta saddaxaad waxaana hoggaanka horyaalka 15-dhibcood ku hoggaamineyso kooxda MCC halka naadiga Raadsan ay leedahay 12-dhibcood waxeyna ku jiraan kaalinta 2-aad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button