Breaking NewsHORYAALADA

SAWIRRO: Kooxda K/Cagta Jeenyo Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaartay Naadiga Midnimo.

Kooxda kubadda cagta Jeenyo ayaa galabta guul dirqi ah ka gaartay naadiga Midnimo kulan ka tirsanaa horyaalka Somaali Premier league oo galabta lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoow ee degmada C/casiis, ciyaartan oo ahayd mid awood ahaan garbo siman ku socotay waxey labada kooxood abuureen fursado walloow ayasn jirin koox ka faa”iideysatay fursadahaasi, qaybtii hore ee ciyaarata ayaa lisku mari waayay 0-0,

Garsoore Fu’’aad Rooble oo ahaa garsooraha kulankaan ayaa bixiyay qaybtii hore ee kulanka labo kaar oo ah kaarka hurdiga ama digniinta waxaana la siiyay ciyaartoyda kooxda Jeenyo xiddigaha kala ah lambarka 2-aad Abdikariim Abshir daiiqadii 22-aad ee ciyaarta iyo ciyaaryahanka lambarka 15-aad Ssemakula Islaam oo la siiyay daqiiqadii 45-aad, ma jirin qaybtii hore wax calaamad ah oo la siiyay ciyaartoyda kooxda Midnimo.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad naadiga Jeenyo waxey weerar is daba joog ah ku qaadeen kooxda Midnimo oo dhankooda sameeyay weerar celin deg-deg ah, waxaana kooxda Jeenyo u suurtagshay iney gool helaan daqiiqadiidii 82-aad kadib markii ciyaaryahanka lambarka 14-aad Bashiir C/dulle uu shabaqa kooxda Midnimo ku hubsaday kubad uu ka soo laaday garabka bidix taas uu awoodi waayay goolhayaha kooxda Midnimo inuu badbaadiyo walloow uu sameeyay iskuday, waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhamaatay 1-0 oo Jeenyo ku adkaatay.

Qaybtii labaad Garsoore Fu’’aad Rooble wuxuu bixiyay saddex kaar oo ah kaarka hurdiga dhamaan kaararkaasi waxaa la siiyay ciyaartoyda kooxda Midnimo xiddigaha kala ah Ayman Maxamed, Wasawa koosiya iyo C/qaadir Muxudiin oo beddal ku soo galay ciyaarta qaybtii labaad.

Si Kastaba guusha ay galabta gaartay kooxda Jeenyo waxey ku xaqiijisay iney soo fadhiisato kaalinta 6-aad ee kala sareynta horyaalka SPL. Iyagoo gaaray guushii labaad dhamaan kulamadii ay soo ciyaareen waxeyna kooxda Jeenyo leedahay 8-dhibcood.

WQ/ Daacad

May be an image of 4 people
May be an image of 11 people
No photo description available.
May be an image of 1 person
May be an image of 3 people
May be an image of 5 people
May be an image of 4 people
May be an image of 1 person
No photo description available.
May be an image of 2 people

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button