BANAADIRBreaking NewsHORYAALADANewsSomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda MCC oo kusoo laabatay Hogaaminta horyaalka heerka koobaad SPL

Kooxaha Kubadda cagta MCC iyo Midnimo ayaa galabta kuwada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow  kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League, 2020/21,ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan qaybtii hore ee kulanka labada kooxood waxaa ay ciyaarayeen kubad dhex ku dagaalan ahayd oo waxaa aad loo soo buux dhaafiyey khadka dhexe keliya kubadaha tuuriska ayaa lagu weerartagayey laaakiin waxaa taasi ku faaidey bilowgii kooxda MCC oo heshay Gool si qurux badan uu u dhaliyey ciyaaaryahan AXMED XUSEEN XASSAN oo lambarka 18-aad u qaata kubad loo qaaday ayuu midig ku qatay kadib lugta bidix si qurux badan uga dhaliyey gool celiyaha Midnimo.

Kooxda MIDNIMO ayan is dhiibin oo daqiiqadii 11-aad ayey heleen Laad Toos ah Free Kick kubaddaas oo soo laabatay oo birta ku dhacday ayuu dhaliyey Axmed Rooti laakin waxaa uu calan waduhu tilmaamay iney garab dhaaf ahayd, dhanka kooxda MCC ciyaaryahan Zakariya kubad uu karoosay ayaa waxaa madaxeeyey Steven hase yeeshee Birta ayaa bad baadisey kooxda MIDNIMO, waxaana xusid mudan in Midnimo ay markale Birta garaaceen oo daafac BAAANUU kooxdiisa ka dhalin gaaray kam’a gool sidaa ayaa lagu kala nastay qeybta hore 1-0 oo MCC hogaanka ku heeysay.

Qeybta labaad markii lasoo laabtay ayey MCC Sameeyeen bedelo waxaana baxay Gool dhaliyaha kulanka AXMED XUSEEN waxaa halkaa lagu sigey in goolal kale laga dhaliyo kooxda MIDNIMO hase yeeshee aad ayey isu difaaceen waxaana guud ahaan kulanka kusoo dhamaaday 1-0 oo kooxda MCC Markale dib ugu soo laabatay hogaanka horyaaalka oo hadda 2 dhibic kaga horeeyso kooxda RAADSAN.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button