Breaking NewsHORYAALADASomali premier league

SAWIRRO: Kooxda Horseed Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Naadiga Jeenyo S.P.L

Kooxaha Horseed iyo Jeenyo ayaa galabta ku wada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koobaad ee dalkeena somaali premier league isbuucii tudabaad.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag waxey labada kooxood qaybtii koobaad soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan waxaana jiray fursado ay abuureen labada dhinac hase yeeshee waxaa lisku mari waayay qaybtii koobaad 0-0, Garsoore Maxamed Soomaali oo ahaa garsooraha kulankaan ayaan bixin wax calaamad ah qaybtii hore ee ciyaarta maadaama aysan jirin qaladaad laga diiwaangaliyay kulanka 45-ta daqiiqo ee ugu horreysay.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda kubada cagta horseed waxey sameeyeen weeraro is daba joog ah taas oo keentay in ay helaan goolka koobaad ee kulanka daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay weraryahankooda Joshua Abdul oo u xirto lambarka 22-aad goolka uu dhaliyay Joshua waxaa muran ka keenay ciyaaryahanka lambarka 23-aad Sewava Mutebi oo u ciyaaro kooxda Jeenyo taas oo keentay in loo taago calaamada casaanka waxeyna dhabar jab ku noqotay kooxdiisa Jeenyo in ciyaarta laga saaro.

Kooxda kubadda cagta horseed oo ka faa’’iideysaneyso 10-ciyaartoy ee naadiga jeenyo ayaa mar kale waxey dhaliyeen goolkii labaad ee kulanka daqiiqadii 78-aad waxaana goolkaasi madax ku dhaliyay lambarka 10-aad Farxaan Xiddig kadib caawin uu ka helay Joshua Abdal, naadiga horseed oo wixii ka dambeeyay 60-ka daqiiqo ciyaarta maamuleysay ayaa heshay goolkii 3-aad waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 15-aad Nuur Messi daqiiqadii 87-aad kaas oo ciyaarta beddal ku soo galay qaybtii labaad ee kulanka, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3-0 ay ku adkaatay kooxda horseed.

Qaybtii labaad waxaa kaarka digniinta loo taagay ciyaaryahanka lambarka 15-aad Ssemakula Islaam sidoo kale waxaa calaamada casaanka loo taagay lambarka 23-aad Sewava Mutebi kadib markii uu garsoorka la murmay daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta, ma jirin wax calaamad ah oo la siiyay ciyaartoyda kooxda horseed labada qayb ee ciyaarta.

Guusha ay gaartay naadiga horseed waxey soo fadhiisatay booska 3-aad ee kala sareynta horyaalka Somali Premeir leagu iyagoo leh 13-dhibcood

WQ/Daacad

May be an image of 11 people, people standing and outdoors
May be an image of 11 people, people playing American football, people standing and outdoors
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 1 person, standing, playing American football and grass
May be an image of 3 people, people playing American football, people standing, grass and text that says "င SPORTS AT www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
May be an image of 5 people, people standing, people playing American football and outdoors
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football and grass
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football, ball and grass
May be an image of 1 person, playing a sport, standing, grass and text
May be an image of 1 person, playing American football, standing and grass
May be an image of 1 person, playing American football, standing, ball and outdoors

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button