Borussia DortmundHEEGANHORYAALADAOLYMPICSSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Maxay ku kala bexeen kooxaha Raadsan iyo Heegan kulankoodii horyaalka SPL

Kooxaha kubadda cagta ee Raadsan iyo Heegan ayaa wada ciyaaray kulan ciyaareed kutirsanaaa todobaadka sideedaad ee wejiga hore horyaalka dalka, kaasi oo si xiiso leh uga socda garoonka eng-yariisoow degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Kulanka labada kooxood ayaa aad u adkaa waxaana uu ku biloowdey kubad dhexda u badneyd oo dhinacyadu ay aad isu gaad gaadayeen, waxaana xusid mudan in kooxda Heegan ay dhexda soo buuxisey iyagoo kubadaha dhex heysashada aad ugu wanaagsan, halka Raadsan qeybaha Daafaca iyo Garbaha ay ku badneyd.

Ma jirin Fursado sidaa u badan oo ay sameeyeen labada dhinac iyadoo daqiiqaddii 32-aad kooxda Heegan kubad ay laaday uu bixiyey Gool celiyaha Raadsan Yuusuf lambaza, waxaana qeybtaasi lagu kala nastay goolal la’aan 0-0.

Markii dib loo soo laabtay oo ay socotay ilaa 15 daqiiqo qeybta labaad ayuu Tababaraha RAADSAN C/weli Maxamed Maxamuud (C/Joon) waxaa uu mar wada keenay sadex ciyaaryahan wuxuuna saaray saddex kale hase yeeshee waxba kama bedelin kubadda kooxdiisa, iyadoo markii danbe la bedelya kabtankii galabta ee Raadsan JIBRIIL FARIID, halka kooxda HEEGAN tababarahooda MAHAD MAICON uu 2 bedel sameeyay waxaana markale goolhayaha RAADSAN uu kubad gool loo filan karay 2 jeer ka badbaadiyey Weeraryahan C/qaadir Eenow oo lambarka 9-aad u qaata HEEGAN iyo Lambarka 6-aad SEYGA RUUSHKA .

Laakiin ugu danbeystii waxay ciyaarta waqtigii loogu talogalay kusoo dhamaatay goolal la’aan 0-0 waxaase xusid mudan in kooxda RAADSAN kulanka ugu danbeeya wareegan oo ay wajihi doonto MIDNIMO ay weeyn doonto ciyaaryahano muhiim ah karaka Jaalaha ku maqnaan doona weliba kuwa qeybta daafaca ka ciyaara, hadda Raadsan 17 dhibic ayey leedahay Hegan 15 dhibic.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button