SAWIRRO: Macalin Gaadaamoow Oo Guushii ugu weyneed Ku Hoggaamiyay Kooxda Elman Kulankiisa Koowaad.
Kulankaan oo ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee dalkeena somaaliya ayaa galabta lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoow ee degmada Cabdi casiis, ciyaartan ayaa u dhexeysay kooxaha kubadda cagta Elman iyo Geeska Afrika.
Qaybtii 1-aad ee kulanka waxey labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan walloow aysan jirin fursado halis ah ay abuureen labada dhinac, hase yeeshee kooxda kubadda cagta Elman Sc ayaa ka faa”iideysatay fursad soo martay daqiiqadii 34-aad waxaana fursadaas gool u beddalay ciyaaryahanka ku cusub kooxda Elman Siaka Kieta Amaara oo lambarka 34-aad u xirto kooxda Elman wuxuuna haaa goolkiisa ugu horreeyay uu galabta u dhaliyo naadiga Elman iyo kulankiissa koowaad waxaana qaybtii 1-aad lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Elman SC.
Garsoore Xasan Kaafi Shiine oo ahaa garsooraha kulankan ayaa bixiyay kaliya hal calaamad waxaana la siiyay lambarka 2-aad Nuur To To daqiiqadii 8-aad e ciyaarta ma jirin calaamad kale uu bixiyay garsooraha 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka kooxda kubadda cagta Elman waxey la soo laabteen ciyaar ku dhisan qaab weerar ah waxaana u suurtagashay iney dhaliyaan qaybta labaad illaa iyo saddex gool daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta waxaa goolkii 2-aad ka toogtay meel ka baxsan diilinta 18-ka ciyaaryahanka lambarka 8-aad Cabdullaahi Xaajoow waana mid ka mid ah goolasha ugu quruxda badan ee laga dhaliyay horyaalka Somaali Premier league xili ciyaareedkan 2020-2021.
Bandhiga goolasha naadiga Elman qaybtii labaad waxaa goolka saddexaad u saxiixay weeraryahankooda lambarka 9-aad Maxamed Cusmaan Marshiyal oo beddal ku soo galay ciyaarta kaas lagu beddalay Siaka Kieta Amaara, sidoo kale waxaa goolka afaraad u dhaliyay lambarka 22-aad Jamaal Abduraxmaan oo beddal ku yimid qaybtii labaad daqiiqadii 91-aad, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 4-0 ay ku adkaatay kooxda jaalayaasha ee Elman halka naadiga Geeska Afrika ay u tahay guuladaradii 7-aad oo xiriir ah.
Si kastaba Macalin Axmed Cabdiraxmaan Cumar. Macalin Gaadamoow oo kooxda Elman SC loo magaacabay shalay oo taariikhdu aheyd 08-03-2021 ayaa kulankiisa ugu horreeyay ku hoggaamiyay guushii ugu weyneed ay gaarto kooxda Elmaan dhamaan kulamada ay soo ciyaartay waxaana ay soo galeysaa booska 8-aad ee kala sareynta horyaalka iyagoo leh 9-dhibcoow.
WQ/Daacad









