AFRICADAKADDANewsSomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Midnimo oo Guul Muhiim ah ka gaartay Dekedaha SPL

kooxda kubadda Cagta ee Midnimo oo kamid ah kooxaha heerka koobaad ee ka qeybgalaya horyaalka sare SPL ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Dekedaha galabta markii ay ku wada ciyaareen kulan ciyaareed kutirsanaa todobaadka sideedaad ee wareega koobaad.

Kulanka labada koox ayaa ku biloowdey weerar iyo weerar celis iyadoo kooxda Dekeddaha ay tahay koox ka awood sareeysay Midnimo marka loo eego in sanadihii lasoo dhaafay kooxdaasi qaaday dhowr horyaal, halka Midnimo ay heerka labaad ka ciyaaari jirtey, hase yeeshee daqiiqaddii 15-aad ayaa laga naxsadey DEKEDDA markii kooxda MIDNIMO hogaanka u dhiibay weeraryahankooda Wasawa Cosia oo lambarka 25-aad u xirta,

kama soo wareegan daqiiqado badan, waxaana muuqatay in kooxda MIDNIMO ay dooneysay saddexda dhibic ee kulanka Xidiga No 21-aad Maxamed Hamiisa uu hogaanka u dheereeyay kooxdiisa daqiiqaddii 23-aad, waxaana qeybtaasi hore lagu kala nastay iyado 2-0 hogaanka looga hayo kooxda DEKEDDAHA waana markii ugu horeeysay tan iyo biloowgii horyaalka goolashaa lagu hogaamiyo qeybta hore.

Markii lasoo laabtay qeybta Labaad ayey DEKEDAHA sameeyeen isku dayo ay ku beegsanayeen shabaqa Midnimo hase yeeshee daafacyada Midnimo ayaa ad u dadaalayey, waxaana xusid mudan in daqiiqadii 75-aad in Ciyaaryahan ISXAAQ Maxamed Gool usoo celiyey kooxdiisa Dekedaha, halkaasoo ay kasii wadeen weerar culus oo ay ku doonayeen iney ku helaan goolka kale ee laga sareeyay,

Daqiiqadii 85-aad ayuu garsooraha kulanka C/fataax Siciid Waxaa uu isku Mar saddex Kaar Digniin ah wada siiyey ciyaaryahanada Cabaad Coon oo No11 xirta,C/laahi gaaboow oo 16 qaata iyo Shaafici Cilmi oo dhamaantood katirsan kooxda MIDNIMO, laakiin taasi ma saacidin kooxda DEKEDAHA iney helaan xitaa goolka bar baraha wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 2-1 oo MIDNIMO ku heshay Saddex dhibic Muhiim u ahayd, iyadoo kulankooda Sagaalaad ee ugu danbeeya wareega koobaad ay la ballansanyihiin kooxda RAADSAN.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button