Maxey Ku Kala Baxeen Kooxaha Gaadiidka & Jeenyo.
Kooxaha kubadda cagta Gaadiidka iyo Jeenyo ayaa galabta ku wada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somaali Premier league.
Kulankan oo ahaa mid aad u xiiso badan waxey labada kooxood muujiyeen sida ay ugu soo diyaar garoween waxaana koox waliba ay abuurtay fursado cajiib ah, bilowgii ciyaarta ciyaaryahanka lagu magacaabo Axmed Xasan Jimcaale oo u xirto kooxda jeenyo lamabarka 7-aad ayaa ka faa”iideystay kubad uu qalday daafaca naadiga Gaadiidka Caawaale taas uu shabaqa dhex dhigay Axmed Xasan 30-ilbiriqsi wax ka yar daqiiqad waana goolkii ugu dhaqsiya badnaa ee laga dhaliyo horyaalka xili ciyaareedkan 2020-2021, goolkaasi ayaa lagu kala maray qaybtii koowaad walloow ay jireen fursado ay abuureen ciyaartoyda kooxda Gaadiidka laakiin kama aysan faa”iideysan.
Garsoore Fu”aad Rooble oo ahaa garsooraha kulankaan ayaa bixiyay qaybtii 1-aad labo kaar oo ah kaarka digniinta waxaana lakala siiyay ciyaartoyda labada dhinac calaamadii ugu horreysay waxaa loo taagay ciyaaryahanka kooxda Gaadiida Feysal Maxamed daqiiqadii 14-aad dhanka naadiga Jeenyo waxaa la siiyay lambarka 4-aad Mahad Ibraahim daqiiqadii 39-aad.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad kooxda kubadda cagta Gaadiidka waxey iska soo barbareeyeen ciyaarta waxaana gool u dhaliyay weeraryahankooda lambarka 9-aad Atika Stephan daqiiqadii 47-aad hase yeeshee lix daqiiqo kadib kooxda Jeenyo ayaa mar kale qabatay hoggaanka ciyaarta kadib markii ciyaaryahanka lambarka 12-aad Yaasir C.Raxmaan uu ciyaarta ka dhigay 2-1 daqiiqadii 53-aad ee kulanka.
Dhanka kale kooxda Gaadiidka oo weeraro is daba joog ah ku qaaday shabaqa kooxda Jeenyo ayaa ugu dambeen waxey ciyaarta ku soo celiyeen barbaro 2-2 ah waxaana goolkaas u saxiixay dhaliyaha halista ah Nicklos Kagaawa daqiiqadii 75-aad natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-2 oo ay ku kala baxeen kooxaha Jeenyo iyo Gaadiidka.
Qaybtii labaad kooxda kubadda cagta Jeenyo waxaa calaamada hurdiga loo taagay lambarka 15-aad Samakuula kaas ka maqnaan doono kooxdiisa kulanka ay ciyaari doonaan isbuuca dambe, dhanka kooxda Gaadiidka waxaa la siiyay lambarka 9-aad Atika Stephan taas oo ka dhigan in koox walbo loo diiwaan galiyay min labo kaar oo ah kaarka digniinta.
Si kastaba kooxda Jeenyo ayaa leh 9-dhibcood waxeyna booska 6-aad kala baxeen naadiga Dekaddaha halka kooxda Gaadiidka oo leh 11-dhibcood ay ku sii jiri doonto booska 5-aad ee kala sareynta horyaalka Somaali Premier league.