Breaking NewsHORYAALADANewsSomali premier leagueSOOMAALIYASportsWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Hogaamiyayaasha iyo Horseed oo isku-Garbo dhacay kulankoodii horyaalka SPL ee Galabta

Kooxaha Kubadda cagta MCC iyo Horseed ayaa galabta kuwada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow  kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League, 2020/21,ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan qaybtii hore ee kulanka labada kooxood waxaa ay ciyaarayeen kubad dhex ku dagaalan ahayd oo waxaa aad loo soo buux dhaafiyey khadka dhexe keliya kubadaha tuuriska ayaa lagu weerartagayey kuwaa oo aan suurtagelin in gool lagu helo.

Qeybta koobaad ee kulanka ayaa kooxda HORSEED u suurta gashay iney helaan gool. waxaana u saxiixey weeraryahankooda FARXAAN MAXAMED AXMED (Duqoow) oo kubad dhex bixis ah ka helay sxbkiisa C/kariin Qubaaye, waxaana qeybtaasi lagu kala nastay 1-0 oo ay kooxda Ciidanka Qalbka sida ee hORSEED HOGAANKA KU HEEYSAY.

Qeybtii labaad markii lasoo laabtay ayey kooxda MCC waxaa ay sameeyeen isku dayo lagu gaaray diilinta 18-aad waxaana u suurtagshay daqiiqadii 54-aad in kubad lasoo baasay uu dhaliyo ciyaaryahan QALIIF kubadaasi oo ka dhex baxdey si qalad ah daafaca kooxda iyo goolhayaha Horseed wuxuuna kulanka guud ahaan kusoo dhamaaday 1-1.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button