Breaking NewsOLYMPICSSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Xiriirka Baaskiilada & Astaan Sports Oo Si Wadajir Ah U Qabtay Tartanka Dugsiyada.

 Xiriirka tartanka baaskiilada iyo Astaan Sports ayaa si wadajir ah ugu soo gebagabeeyay magaalada muqdisho tartanka baaskiilada oo sanadkii saddexaad oo xiriir ah loo qabtay dhaliyarada wax ka barato dugsiyada waxbarashada ee gobolka banaadir.

Tartankaan oo sanad walbo ay qabtaan xiriirka baaskiilada waxaa taabagaliso Astaan Sports oo waqti badan ku bixiso tartamada kala duwan ee qabtaan xiriirka soomaaliyeed, tartanka baaskiilada sanadkaan waxaa ka soo qaybgalay illaa 14-dugsi oo kamid ah dugsiyada  waxbarashada ee ku yaalo gobalka banaadir.

Tartankaan oo lagu tartamaayay illaa iyo 2 Kiilo Mitir waxaa sanadkaan kaalinta 1-aad ka galay Muxsin Axmed Muqtaar oo kamid ah ardayda dugsiga Xamar Wayne halka kaalinta 2-aad uu galay  Cabdirashiid Colaad Qanyare oo matalayay dugsiga Xamar Wayne  iyo Maxamed Cali Maxamed oo isna galay kaalinta 3-aad kaas oo matalayay dugsiga waxbarashada Feero.

Dhamaan saddexda ciyaartoy ee guuleysatay ayaa ka hadlay sida ay u arkaan tartankan xiisaha badan oo sanad walbo loo qabto dhalinyaradaan wax ka barato dugsiyada gobalka banaadir, waxaana mid walbo kamid ah uu sheegay in ay ku amaanayaan xiriirka baaskiilada iyo astaan sports oo tartankaan ka shaqeeyay inuu qabsoomo.

Ugu dambeen markii uu soo dhamaaday tartankan baaskiilada waxaa goobta ka hadlay xogayaha tartanka baaskiilada xiriirka soomaaliyeed Saacid Axmed Abuukar oo u mahadceliyay dugsiyada ka soo qaybgalay tartankaan sidoo kale wuxuu ku amaanay Astaan Sports taabagalinta iyo qabsoomida tartankaan oo sanadkii saddexaad ay taabagaliso Astaan Sports.

WQ/Daacad

May be an image of 3 people, people standing, bicycle and outdoors
May be an image of 9 people, people standing, bicycle and outdoors
May be an image of 7 people, people standing, bicycle and road
May be an image of 5 people, people standing, bicycle and outdoors
May be an image of 4 people, people standing, bicycle and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing, bicycle and outdoors
May be an image of 8 people, people riding bicycles, people standing, bicycle, outdoors and text

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button