Breaking NewsHORYAALADA

SAWIRRO: Kooxda Kubadda Cagta Geeska Afrika Oo Taako U Dhigtay Naadiga Heegan Kulan Ka Tirsan Horyaalka SPL.

Kooxda kubadda cagta Geeska Afrika ayaa galabta barbaro 1-1 ah ku celisay naadiga Heegan oo kamid ah kooxaha ugu adag horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Soomaali Premier league, kulankaan oo lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis, ayaa qaybtii koowaad lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaanka ku haysay kooxda Geeska Afrika oo heshay daqiiqadii 19-aad Gool kulaad uu gool u beddalay lambarka 6-aad Cabdirashiid Rashka kadib markii diilinta ganaaxa lagu jilaafay Weraryahanka kooxda Geeska Afrika Muuse qaybtii hore ee ciyaarta.

Qaybtii 1-aad ee kulanka garsooraha ayaa bixiyay labo kaar oo ah kaarka digniinta waxaana la kala siiyay labada dhinac kaarkii ugu horreeyay waxaa loo taagay weeraryahanka naadiga Geeska Afrika  lambarka 27-aad Shaarkey halka calaamada kale la siiyay lambarka 8-aad Cabdifitaax Idiris oo ka tirsan kooxda Heegan.

Marka dib la isug soo laabtay qaybta 2-aad ee ciyaarta waxey labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed weerar iyo weerar celis ah waxaana kooxda Heegan ay heshay goolka barbaraha daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta kadib markii qalad lagu galay weeraryahanka kooxda Heegan Abdikaadir Eynow kaas oo lagu jilaafay diilinta ganaaxa, garsooraha ayaana ka dhigay kooxda Geeska Afrika gool ku laad taas oo uu gool u beddalay lamabarka 6-aad Abdikaadir Siidoow natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1-1 oo labada kooxood ay ku kala baxeen.

Qaybtii labaad waxaa labo kaar oo ah kaarka hurdiga loo taagay ciyaartoyda kooxda Geeska Afrika lamabarka 22-aad iyo dhaliyaha goolka u dhaliyayay kooxda Geeska afrika Cabdirashiid Rashka taas ka dhigan wadarta guud in kooxda Geeska Afrika loo diiwaan galiyay saddex kaar halka naadiga heegan ay qaateen hal kaar oo ah kaarka hurdidaga.

Si kastaba kooxda heegan oo ku jirto booska 3-aad ayaa leh 16 dhibcood balse waxaa booska kala bixi karto naadiga horseed haddii ay adkaato kulanka tudabaadkan ay ciyaareyso halka kooxda Geeska Afrika oo ku jirto booska 10-aad ay leedahay 2-dhibcood dhamaan kulamadii ay soo ciyaartay booskeeda ayeyna ku sii jiri doonta.

WQ/Daacad

May be an image of 11 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 12 people and people standing
May be an image of 4 people, people playing sport, grass and text
May be an image of 1 person, playing a sport, grass and text
May be an image of 4 people, people playing sport, grass and text
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of one or more people, people standing, people playing American football and grass
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing, grass and text that says "င HEEGANFC 22 眼 www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
May be an image of 4 people, people standing, grass and text
May be an image of 2 people, people playing sport, grass and text

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button