Breaking NewsHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Raadsan oo markale la wareegtay Hogaanka horyaalka Dalka SPL

Kooxda Kubadda Cagta ee Raadsan ayaa guul kusoo xirtay wejiga koobaad ee horyaalka kubadda Cagta dalka kadib markii ay 1-0 uga badisey kooxda MIDNIMO kulan ciyaareed xiiso badan oo galabta ka dhacay garoonka Eng-yariisoow degmada C/casiis, waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar aad u adkeyd oo weerar iyo weerar celis ku dheehneyd.

Daqiiqadii 16-aad ayey u suurto gashay kooxda RAADSAN iney hogaanka u qabtaan ciyaarta kadib markii ciyaaryahankooda lambarka 6aad Yaasiin Aweys, hase yeeshee waxaa Kaarka Jaalaha ka qaatay ciyaaryahan C/weli Sheekeeye daqiiqadii 31-aad kaasoo maqnaan doona kulanka furitaanka wejiga labaad ee Raadsan ciyaari doonto, waxaana qeybtaasi lagu kala nastay 1-0 oo ay Raadsan hogaanka ku heeyso,

Qeybtii Hore waxaa awoodi waayey inuu kulanka dhameeysto garsoore Maxamed Soomaali waxaana lagu bedelay sarkaakii Keydka C/fataax Siciiid Mire, kooxda Midnimo nayaa sameeysay isbedelo dhowr ciyaartoy Vincenze Igaza halka raadsan ay keenya maxamed Qaliif waxaana wixii xiligaa ka danbeeyay ay labada dhinac sanmeeyeen isku dayo laakiin 90-kii daqiiqo ee kulanka wuxuu kusoo dhamaaday 1-0 oo ay RAADSAN guushu ku raacday.

Hadda Kooxda RAADSAN oo kulankeedii 9-aad wejiga koobaad guul kusoo xirtay waxaa ay hogaanka ku heeysaa 20 dhibic, laakiin haddii kulanka Jimcaha ee MCC oo la balansan GAADIIDKA laga badiyo MCC ayey sii heyn kartaa hogaanka ama Bar baro lagu celiyo, hadiise ay MCC guuleysato iyagaa hogaanka la wareegi doona wejiga koobaad ee horyaaka oo Ji,caha soo xirmi doona Insha Allaah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button