Breaking NewsHORYAALADA

SAWIRRO: Macalin Kooxda Elman SC Gaadaamoow Oo Guuldaridii Ugu Horreysay Ka Soo Gaartay Kooxda Jeenyo.

Macalinka cusub ee kooxda kubadda cagta Elman SC  Macalin Axmed Cabdiraxmaan Cumar, Macalin Gaadamoow ayaa guuldaradii ugu horreysay ka soo gaartay galabta naadiga kubadda cagta ee Jeenyo kulan ka tirsanaa horyaalka Somaal Premier League oo labada kooxood ay kuwada cayaareen garoonka Eng-yariisoo ee degmada Cabdicasiis.

Cayaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan waxay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed weerar iyo weerar celis ah, kooxda kubadda cagta Jeenyo ayaa qaybtii hore ee cayaarta la timid labo gool waxaana goolka koowaad uu ahaa gool kulaad loo dhigay kooxda Jeenyo kadib markii diilinta ganaaxa lagu jilaafay Axmed Xasan oo lambarka 7-aad u xirto naadiga Jeenyo waxaana khaladkaas galay lambarka 6-aad Nuune Haashime, Gool kulaadka ay heshay kooxda Jeenyo waxaa gool u beddalay xiddiga lamabarka 4-aad Mahad Ibraahim Hilowle daqiiqadii 22-aad ee kulanka.

Kooxda kubadda cagta ee Jeenyo oo qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigtay qaybtii hore ee cayaarta ayaa shan daqiiqo kadib heshay goolkii labaad waxaana u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 80-aad Xasan Cabdi Xasan Caawin uu ka helay Ismaaciil Weydoow daqiiqadii 28-aad ee kulanka, daqiiqado yar kadib waxaa cayaarta dhaawac looga saaray ciyaaryahanka lambarka 23-aad Swava Matube oo ka tirsan naadiga Jeenyo waxaana lagu beddalay lambarka 8-aad Xasan Cabdirashiid daqiiqadii 39-aad ee cayaarta, qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 2-0 ay hoggaanka ku haysay kooxda kubadda cagta Jeenyo.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee cayaarta kooxda kubadda cagta Elman SC waxey la soo laabteen qaab ciyaareed weerar ku dhisan taas oo keentay iney helaan gool daqiiqadii 78-aad waxaana u dhaliyay goolkaasi lambarka 28-aad Cabduqaadir Muuse oo cayaarta ka dhigay 2-1 hase yeeshe waxaa cayaarta laga saaray goolhaye Cabduraxmaan Maxamed Jaamac oo goosha u ilaaliyo naadiga Elman SC daqiiqadii 82-aad taas dhabar jab ku noqotay kooxda Elman oo beddalka ka dhamaaday, waxaana qasab noqotay in uu goosha galo daafaca dambe ee kooxda Elman Bile Cilmi natiijada kulanka ayaana ku soo dhamaatay 2-1 ay ku adkaatay naadiga Jeenyo.

Qaybtii labaad waxaa jiray kaarar uu bixiyay Garsoore Abuukar Yuusuf Kooxda Elman waxaa calaamada Casaanka ka qaatay goolhaye Cabduraxmaan Maxamed Jaamac sidoo kale kaarka digniinta ayaa la siiyay Cabduqaadir Muuse, dhanka kooxda Jeenyo waxaa kaarka digniinta loo taagay goolhaye Cabdicasiis Cabdullaahi kaliya.

Guusha ay gaartay kooxda kubadda ee Jeenyo waxey booska 5-aad kala baxday naadiga Gaadiidka oo leh 11-dhibcood balse haddii ay adkaadaan kulanka baaqiga u ah Gaadiidka ayaa ku soo laaban doonto booskA 5-aad halka naadiga Elman SC oo leh 9-dhibcood kuna jirto booska 6-aad ee kala sareynta horyaalka ay qatar ugu jirto iney kala baxdo kooxda Dekaddaha haddii ay soo adkaadan kulanka ay la cayaarayaan kooxda Horseed.

WQ/Daacad

May be an image of 11 people and people standing
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of american football, grass and text
May be an image of one or more people, people playing American football and grass
May be an image of outdoors
May be an image of 1 person, playing American football, standing, grass and text
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing, grass and text
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football and grass
May be an image of 1 person, playing American football, standing and grass

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button