Breaking NewsDAKADDAHORSEEDHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Dekedaha oo guul daro labaad oo xiriirka kusoo xirtey wejiga hore horyaalka SPL

Kooxaha Horseed iyo Dekedaha ayaa galabta ku wada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koobaad ee dalkeena somaali premier league gaar ahaan kulankii ugu danbeeyey dhankoda wejiga koobaad ee horyaalka.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag waxey labada kooxood qaybtii koobaad soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan waxaana jiray fursado ay abuureen labada dhinac gaar ahaan daqiiqadihii 20-aad wixii ka horeeyay oo kooxda Dekedaha fursado mid ahayd (Free-Kick) uu tuurey Kabran Cabaas Amiin sadex ciyaartoy isla kooxda ay ku dhoweyd hase yeeshee daafaca Cumar Shariif oo Horseed ah ayaa bixiyey oo difaacay,

Sidoo kale Ciyaaryahan lambarka 12-aad Steven iyo Cabaas Amiin ayaa daqiiqadihii 31-aad iyo 33-aad labo fursad helay wallow aysan u dhalan, waxaana qeybtaasi koobaad lagu kala nastay gool la’aan 0-0 WALLOW AY GACAN SAREEYNTA IYO FURSADAHA AY WANAAGSANAAYEN KOOXDA dekedaha.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda kubada cagta horseed waxey sameeyeen weeraro is daba joog ah taas oo keentay in ay helaan goolka koobaad ee kulanka daqiiqadii 51-aad ee ciyaarta markii kubad Gees Kalaad ahayd Madaxa ku dhaliyey FARXAAN MAXAMED DUQOOW oo weerar uga ciyaara HORSEED, Sidoo kale kubad ay isku qaldeen daafacyada dhexe ee kooxda DEKEDAHA ayaa waxaa dafay oo la cararay weeraryahanka lambarka 19-aad ee Horseed Fu’aad Maxamed Yuusuf (Nokia) kaasoo si qurua badan u daba mariyey gool celiyaha kooxda Dekedaha sidaana 2-0 kooxda HORSEED guul ugu soo xirtya kulankeeda u danbeeya wareega koobaad ee horyaalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button