Breaking NewsUncategorized

SAWIRRO: Kooxda Kubdda Cagta Muqdisho City Oo Dib Ugu Soo Laabatay Hoggaanka Horyaalka S.P.L.

Kooxda kubadda cagta Muqdisho City ayaa dib ugu soo labatay hoggaanka horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Somaali Premier League kadib guul dirqi ah ay ka gaartay naadiga Gaadiidka.

Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa galabta lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoow ee degmada C/casiis, labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar awood ahaan garbo siman waxaana qaybtii koowaad lagu kala nastay 0-0, walloow ay jireen fursado ay abuureen labada kooxood hase yeeshee ma aheyn mid ay ka Faa”iideystaan labada dhinac.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad waxey ahayd ciyaartu mid garbo siman ku socotay weerar iyo weerar celis hase ahaatee kooxda kubadda cagta Muqdisho City ayaa la timed gool daqiiqadii ugu dambeysay ee kulanka waxaana goolkaasi u saxiixay lambarka 12-aad Cabdimajiid Cusmaan Ibraahim kaas ka farxiyay taageerayaasha kooxda MCC maadaama ay aheyd guul ay aad ugu baahnaayeen kooxda Muqdisho City.

Dhan kale ma jirin fursad ay goolkaasi ay ku soo barbareeyan kooxda Gaadiidka oo waqtiga ka dhamaaday, natiijada kulanka ayaana ku soo dhamaatay 1-0 ay ku adkaatay kooxda MCC, Garsoore Fu”aad Rooble ayaa kaliya bixiyay hal calaamad 90-ka daqiiqo ee ciyaarta waxaana kaarkaas loo taagay dhaliyaha goolka Cabdimajiid Cusmaan kadib markii uu iska bixiyay maaliyada isagoo u dabaaldagayo goolka uu dhaliyay daqiiqadii 94-aad ee kulanka.

Guusha galabta ay gaartay kooxda Muqdisho City ayaa ka dhigan iney dib ugu soo laabatay hoggaanka horyaalka iyagoo leh 22-dhibcood halka naadiga Gaadiidka ay u dhacday booska 6-aad ee kala sareynta horyaalka iyagoo leh 11-dhibcood.

Si kastaba wajiga koowaad ee horyaalka Somaali Premier league ayaa galabta la soo gebagabeeyay waxaana uu horyaalka uu dib furmi doonaa 17-ka bisha May 2021.

WQ/Daacad

May be an image of 11 people and people standing
May be an image of 11 people, people standing and grass
May be an image of 1 person and text that says "ടി ASTAAN SPORTS ADZ www.astaansports.com @astaansports Asaan Sports @astaansports Astaan Sports"
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of one or more people, people standing, people playing sport, grass and text
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of one or more people, people playing sport, grass and text
May be an image of 3 people, people playing sport and text
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 1 person, playing American football, standing, grass and text
May be an image of 1 person, playing a sport, standing, grass and text

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button