Breaking NewsHORYAALADA

Wax Ka Ogoow Kaalmaha Ay Ku Kala Dhameysteen Kooxaha Horyaalka Heerka Koowaad Iyo Goolasha Ay Dhaliyeen Iyo Kuwa Laga Dhaliyay.

Waxaa shalay oo jimco ahayd lasoo gebagabeeyay wajiga koowaad ee horyaalka heerka 1-aad Somaali Premier League.

Kooxda difaacaneyso horyaalka heerka koowaad S.P.L xili ciyaareedka 2020-2021 ee Muqdisho City Clup ayaa ku dhameysatay kaalinta koowaad iyagoo leh 22-dhibcood.

Kooxda MCC ayaa ciyaartay 9-kulan, 7 guul 1-kulan oo guuldaro ah, iyo kulan barbaro ah waxeyna ku dhameysteen booska koowaad 22-Dhibcood.

Kooxda kubadda cagta Raadsan oo ku jirto booska labaad ayaa ciyaartay 9-kulan 6-kulan wey guuleysteen 2-kulan barbaro ayey galeen kaliya 1-kulan ayaa laga adkaaday waxey dhaliyeen 9-gool waxaana laga dhaliyay 3-gool, waana kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay horyaalka S.P.L.

Halkaas ka eeg Jadwalka oo dhammaystiran:

WQ/Daacad

May be an image of text that says "S.P.L SOMALI PREMIER LEAGUE 2020/2021 @ ASTAAN SPORTS JADWALKA KALA SAREYNTA WAREEGA 1-AAD TODOBAADKA 9-AAD D 1 1 PLD w MCC 2 7 L 1 GD 7 RAADSAN PTS 22 3 9 6 2 1 6 4 9 20 HORSEED HEEGAN 5 2 2 9 10 17 4 JEENYO 1 6 3 16 3 3 3 7 9 3 12 GAADIDKA ELMAN 2 4 5 3 11 0 MIDNIMO 6 2 9 3 0 6 9 10 2 DEKEDAHA G.AFRIKA 2 5 3 9 8 o 2 7 -20 2 @ASTAANSPORTS WWW.ASTAANSPORTS.COM"

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button