Breaking NewsHORYAALADA

SAWIRRO: Kooxda Kubadda Cagta Elman Oo Soo Bandhigtay Saxiix Cusub.

Kooxda kubadda cagta Elman SC ayaa soo bandhigtay, Ciyaaryahan Abdikarim Axmed Maxamed (Gurey )oo tartankii maamul gobaleedyada 2020 garabka bidix ugu ciyaarayay xulka kubadda cagta ee Puntland.

Abdikariim Axmed Maxamed ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan intii uu socday, tartankii kubadda cagta maamul goboleedyada oo bishii December 2020 lagu qabtay magaalada muqdisho kuna guuleysteen xulka gobalka Banaadir.

Kooxda Elman SC ayaa Saxaafada u soo bandhigtay saxiixa Axmed Gurey oo xiran doono lambarka 3-aad isagoo ka ciyaari doono qaybta bidix ee daafaca kooxda Elman.

War saxaafadeed lagu daabacay barta Facebook ay ku leedahay kooxda Elman Sc ayey kooxdu ku cadeesay in ciyaaryahan Axmed Gurey ay kala soo warreegeen koox ka ciyaarto Putland oo lagu magacaabo Bari FC.

Si kastaba saciixan cusub ayaa ku soo beegmayo xili  naadiga Elman SC ay ku dhameysatay wajiga koowaada kala sareynta horyaalka S.PL kaalinta 7-aad iyagoo leh 7-dhibcood.

WQ/Daacad

May be an image of 1 person and indoor
May be an image of 1 person and text that says "SPORTS AT S EC Peace Through Soccer Est:1993 MNCAL C NTER PORTS 1"
May be an image of 1 person, standing and text that says "SPORTS F Peace Through Soccet Est:1993 GACAL POLY POLYCLINIC CENTER SPORTS ELMAN SC 3 Peace Through Soccet CISISOOS NSPORTS Peace Through Socoer Est:1993"
May be an image of 1 person and indoor

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button