AFRICABreaking NewsJEENYOLPP JEENYOMA OGTAHAYMAQAALNewsOLYMPICSSOOMAALIYATAARIIKHWararkaWARARKA MAANTA

Maxaad ka taqaan Tababarihii Xulka K. Kolleyga Baarajab ee Dubai ku geeriyoodey (Taariikhdiisa)

Allaha janadii fardowso ahayd Geeyee waxaa Saaka Magaalada Dubai ee issu-tagga Imaaraadka Carabta ku geeriyoodey Macalinkii Xulka Wiilasha Kubadda Koleyga Soomaaiya Cumar C/Qaadir Maxamed oo (Baarajab) loo garan ogaa, kadib Xanuun Cudurka saf-marka ah ee Corona oo uu la ildarnaa beryahan.

HADDII AAN SOO KOOBO TAARIIKHDA MACALINKA:

Cumar C/qaadir Baarajab waxaa uu sanadkii 1958-kii bishii September 4-teedii ku dhashay Magaalada Muqdisho waxaa uuna Waxbarashadiisii hoose kusoo qaatay Dugsigii hoose dhexe ee Shibis,isagoo sidoo kale waxbarashada heerka sare ku dhameystay Dugsigii caanka ahaa ee 15-May, sidoo kale Macalin Cumar waxaa uu Waxbarashada heerka Sare dhigtay SIDAM University (Accounting Management and Administration Development).

Macalinka waxaa uu yaraantiisii aad u jeclaa Ciyaarista Kubadda Koleyga waxaa uuna kasoo jeedaa Qoys wada Isboortis ah, sababtoo ah aabihiis Alle ha u naxariistee C/qaadir baarajab waxaa uu ahaa aas aasihii kubadda koleyga dalka gudoomiyihii ugu horeeyey xiriirka Koleyga ,waxaana Baarajab uu u ciyaaray degmada Shibis, oo uuu ku metlay ciyaarihii degmooyinka iyo midkii dugsiyada ee da’yarta,isagoo aad u da’yar ayuuna kamid noqdey Ciyaartoydii junyeriska waxaana uu ciyaaray (Mini Basket)

Macalin Baarajab waxaa uu sanadkii 1977-kii kamid noqday ciyaartoyda JEENYO qeybta Junyerska sanad kadib ayuuna u dalacay heerka koobaad 1978-88 ki ayuuna u ciyaaray JEENYO isagoo la qeybsadey guulo waaweyn, waxaana lagu xusuustaa kaaintii yy kulahaa 4 horyaal oo ay kooxdu qaaday iyo 4 koobka koobabka ee Jen daa;uud oo uu la qaaday waxaana xusid mudan in 2 jeer sanadkii 1987-kii & 1988,Baarajab Jeenyo kula guuleystay Horyaalkii iyo Jen Daauud iyaga oo aan xitaa hal kulan laga badinin (unbeateng).

Ciyaaryahan Baarajab waxaa uu ahaa Ciyaaryahan aysan sina uga maarmin kooxdiisa marka ay kulan leeyihiin sababtoo ah wuxuu kamid ahaa xidigaha dhexda maamula, waxaa xusid mudan in ciyaarihii Xidigaha koleyga oo aad loo jeclaa uu kamid noqday kooxdii SEPCOM. Tartanka Xiddigaha 1988 waxaan uu qaatay: MVP the Best Guard (Play Maker.

Baarajab waxaa uu kamid noqday Xulka Kubadda Koleyga Soomaaiya markii ugu horeeysay 1979, wuxuuna kamid ahaa ilaa sanadkii 1988-kii isagoo guulo waaweyn la soo gaaray, waxaana xusid mudan inuu kamid ahaa ciyaartoydii xulka Koobkii Jaamacadda carabta ee ka dhacay dalka 1987-kii bishii Febuary 17-keeda kolkaasoo Xulka Masar aynu uga adkaanay (Personal) keliya Ha dhibic,

Intii uu kamid ahaa Xulka Qaranka waxaa uu Ciyaaro u aaday dalaka Masar, Kenya, Morocco, Jordan, Muzembiig. Waxaana uu u ciyaarey xulka ilaa 69-kulan oo Caalami ah.

Allaha u Naxariistee Baarajab waxaa uu Noqday Tababare aad u wanaagsan oo soo saaray ciyaaryahano Gabdho iyo Wiila isugu jira kuwaa oo qaarkood iminka ka ciyaara dalka gudihiisa dibadiisa halka qaar kalena ay noqdeen Macalimiin, waxaana markii ugu horeeyay uu leyliyey Xulkii Gabdhaha Kolleyga ee Shabeelaha Dhexe (Jowhar) 1982-kii waxayna xiligaas ku guuleysteen kaainta 1-aad koobkii Gobolada,

Sanadkii xigay 1983-waxaa uu u wareegay Leylinta Xulka gabdhaha Shabeelaha Hoose (Marka) waxaa uu la gaaray sanadkaasi kaainta saddexaad koobkii koleyga ee Ciyaarihii gobolada oo ahaa kuwii ugu xiisaha badnaa ee dalka.

Sanadihii 1983-88 waxaa uu ahaa Macalinkii Gabadhaha kubadda koleyga ee JEENYO hakaa oo uu kusoo saaray gabdho badan oo qaarkood kamid noqdey xulka Qaranka Soomaaiya, waxaana Kooxda Jeenyo isagoo Macalin u ah gabdhaha la qaaday horyaal 1985-kii.

Bur Burkii dalka kahor Macalin Baarajab waxaa uu u baqoolay dalka dibadiisa gaar ahaan Wadanka Issu-Tagga Imaaraadka carabta (Dubai) Halkaa oo uu kasii waday Mihnadiisa Kubadda koleyga heer Tababare-nimo, wuxuuna Tababare u noqday Kooxda AL-SHABAAB ee Imaaraatka ka dhisanneyd isagoo Tababare u ahaa ilaa 2003-dii, kadib 2003 ilaa 2011 waxaa uu soo leyliyey kooxda Caanka ahayd ee AL AHLI ee Dubai ka dhineyd, isagoo kadib u wareegay kooxda Shacbiyadda badan ee Sharjah ee Emaaraatka Carabta,

Wallow uu kooxhaasi Imaaraadka carabta uu soo leyliyey hadana BAARAJAB mar waliba kama marneyn horu marinta Kubadda koleyga ee daka wuxuu dhowr jeer leyliyey Xulka Kubadda koleyga Wiilasha oo ay ugu danbeeysay 2014-kii koobkii Zone V, Waxaa uu qaatay Shahaadada ugu sareeysa ee Tababarenimo ee FIBA isagoo Seminaar tababarenimo soo siiyey Macalimiin dalal dibadda ah,wuxuuna noqday la taliyaha Macalinka Xulka Uganda,wuxuuna sidoo kale kamid ahaa Guddiga Fulinta Hey’adda ugu sareeysa Isboortiga dalka ee GOS.

Alle hau naxariisto Macalin Baarajab waxaa uu ifka uga tegey 13 Caruur ah iyo Xaas waxaa lagu xusuusan doonaa kaaintii uu kasoo qaatay Horumarinta iyo difaaca Qaranka Soomaaiya intii uu ifka joogay taasoo bahda Isboortiga aysan abid iloobi doonin INAALILLAAH WA’INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

W/D: C/xafiid Zaciimka

Astaan Sports Muqdisho

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button