AFRICABreaking NewsCultureLATIN AMERICAMAQAALNewsOLYMPICSSOOMAALIYASportsTAARIIKHWararkaWARARKA MAANTAWorld

6da, April 2021 Maalinta Isboortiga iyo Horumarinta Nabadda

Waxaa maanta loo dabaaldagayaa maalinta Caalimiga ah ee Isboortiga iyo Horumarinta Nabadda, arrintaa oo soo bilaawatay 23 August, 2013 ka dib markii Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ay ansixisay dhacdadaas iyadda ah, waxaana arrintaa garab istaagay oo taageeray Guddiga Olombikadda Caalamka oo April 6, 2014 taa oo looga gogol lahaa in lagu hormariyo Nabadda iyo Isdhaxgalka Bulshooyinka kala duwan,

iyadoo arrintani ay dabajoogto xusuusinta tartankii ugu horeeyay ee Olombikadda Caalamka ee la qabtay 1896, waxaana arrintaa Olombikadda waagaa hormuud u ahaa PIERRE DE COUBERTIN hadafka laga lahaana ay aheyd in la abuuro jawi nabadeed oo ay kuwada naaloon karaan dadyowga caalamka isla markaana saamixi karta isdhaxgalka iyo abaabulka tartamadda dhalinyaradda, maalinta April 6 waxaa looga dabaaldagaa aduunyada dhacdadeeda kala duwan.

Waxaan aan ayidayaa in Isboortiga uu yahay aaladda ugu mudan oo lagu dhallin karo nabad iyo Isfahan ka dhaxdhasha dadyowga aduunka sidaa waxaa yiri Mr. PIERRE DE COUBERTIN.

PIERRE DE COUBERTIN
Aabihii Olombikada Casriga

Waxaan aan ayidayaa in Isboortiga uu yahay aaladda ugu mudan oo lagu dhallin karo nabad iyo Isfahan ka dhaxdhasha dadyowga aduunka sidaa waxaa yiri Mr. PIERRE DE COUBERTIN.

Madaxda aduunka oo siyaabo kala duwan uga hadashay Isboortiga iyo adeegsigiisa nabada, ayaa waxaan kasoo qaadanaynaa Madaxweynihii hore ee Dalka South Africa Nelson Mandela oo yiri “Isboortiga waxa uu leeyahay awood uu ku badali karo aduunka oo idil”, awood uu ku dhiirigalin karo dhallinta soo korayso, waxaa kaloo uu leeyahay awood uu ku midayn karo dadyowga kale ee aduunka,

waxaana kaloo lagu xasuusta Madaxweyne Nelson Mandela in tartankii Rugby World Cup ee la qabtay 1995 ayuu wuxuu u isticmaalay tartankaasi in lagu dhabargooyo midab kala sooca (apartheid) ee waagaa ka jiray South Africa, waxaana erayadiisii halkaa ka jeediyay ka mid ahaa Isboortiga waxaa uu abuuraa rajo meel aan rajada laga quustay waxaa kaloo isboortiga uu ku tilmaamay in uu ka awood badan yahay dawladda isla markaana uu burburiyo midab kala sooca.

Waxaan marka hore hambalyo iyo bogaadin u jeedinaynaa Dowlada Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir dadaalka ay u dhabar adeegeen in ay ummadda Soomaaliyeed ay cagaheeda ku istaagto, waxaa kaloo aad iyo aad noo farxad galiyay sida Soomaalida ah oo ay arrimaha ku saabsan masiirka ummadda Soomaaliyeed ay diirada u saareen taa oo ay Ummadda Soomaaliyeed waligeed iloobi doonin hadaba iyadoo lagu jiro Maalinta Caalimiga ee Isboortiga iyo Nabada ayaan waxaan u rajaynaynaa madaxdaas sharafta in shirkooda guul ku soo dhamaado.

W/Q: Shucayb Haamud Ibraahim

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button