SAWIRRO: Kuliyadda Cilmigga Beeraha Oo Ku Guulaysatay Koobki Sanadlaha Ahaa Ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa la soo gabagabeeyay tartankii kubadda cagta ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ay u qabatay ardeyda wax ka barato kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana tartankaasi ku guuleysteen ardeyda Kuliyada cilmiga beeraha ee jaamacada ummadda soomaaliyeed.
Tartankaan oo socday muddo bil ah ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay garoonka jaamacadaha ee magaalada muqdisho, wuxuuna ahaa tartankaan mid aad u xiiso badan oo soo maray heerar kala duwan, iyadoo fiinaalka tartankan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay wada ciyaareen kuliyadaha kala ah Cilmgga iyo beeraha iyo kuliyadda dhaqaalaha.
Labada kuliyaddood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan, qaybtii koowaad ayaa lagu kala nastay 0-0, marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad kuliyadda beeraha ayaa la timed goolka ay kaga adkaadeen dhigooda kuliyadda dhaqaalaha, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1-0 ay ku adkaatay Kuliyadda Cilmigga Beeraha.
Marka ay soo dhamaatay ciyaarta u dhexeesay labada kuliyaddood waxaa garoonka jaamacadaha lagu guddoonsiiyay kuliyadda cilmigga beeraha koobka sanadlaha ay ku guuleysteen,waxaana garoonka ku sugnaa maamulka jaamacada ummadda soomaaliyeed, xubno ka socday xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo marti sharaf kale.
Maamulka jaamacadda ayaa bixiyay abaal marino kala duwan oo la guddoonsiiyay ciyaartoyda u kala ciyaarayay kuliyadaha kala duwan ee sameeyay bandhiga wanaagsan intii uu socday tartanka jaamacadda ummadda soomaaliyeed oo shalay la soo gabagabeeyay.
Si kastaba ma ahan markii ugu horreysay oo jaamcada ummadda soomaaliyeed ay u qabato tartan kubadda cagta ah dhamaan kuliyaddaha kala duwan ee jaamacada ummadda soomaaliyeed.
WQ/ Daacad