SAWIRRO: Tartan Ka Furmay Garoonka Olympic Stadium Ee Excontrol Balcad.
Garoonka Olympic Stadium Excontrol balcad ee degmada yaaqshiid shalay waxaa ka furmay tartan kubadda cagta ah oo ka qaybgalayaan illaa iyo 16-kooxood oo lagu soo koobay afar guruub.
Tartankaan daah furkiisa waxaa qudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah ciyaartoyda horyaalka heerka koowaad ee dalkeena, oo kala matalayey kooxaha Tufaac Iyo Durdur iyo guddoomiyaha tartankan Cabdinuur Warka kaasoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay furitaanka tartankan loogu magac daray Ramadaan Cup.
Intaas kadib waxaa la baastay ciyaartii furitaanka waxayna dhexmartay kooxaha Tufaac Fc iyo Durdur Fc, kulankaan oo ahaa mid aad u adag waxey labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan waxaana kooxahan ka soo dhex muuqday qaar kamid ah ciyaaryahanada kooxaha horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Somaali Premier League.
Garoonka Olympic Stadium ee Excontrol balcad ee degmada yaaqshiid waxaa soo buux dhaafiyay dhalinyaro aad u xiiseyso ciyaaraha kubadda cagta oo u kala sacab tumayay labada kooxood, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 6-4 ay ku adkaatay kooxda Tufaax fc kulankooda koowaad ee heerka guruubyada.
Si kastaba tartankaan ka furmay Garoonka Olympic Stadium xaafada Excontrol balcad ee degmada yaaqshiid waxaa taabagalintiisu leh Shirkada Astaan Sports oo door muhiim ah ka qaadato hormarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka.
WQ/Daacad











