Astaan Sports Oo Sanadkii 2-aad Qabaneyso Tartanka Playstation 4 Ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waxaa maanta furmayo tartanka Playstation 4 oo sanadkii 2-aad ay qabaneyso shirkada Astaan Sports, waxaana lagu furi doona guruub A
Tartankaan Playstation 4 sanadkaan waxaa ka qaybgalayo dhamaan 17-ka degmooyin ee gobalka banaadir, waxaana loo qaybiyay illaa iyo afar guruub, tartanka ayaa maanta furmayo, waxaana kulanka koowaad wada ciyaari doono degmooyinka kala Cabdicasiis & W/nabada ciyaartan ayaa la baasan doona 1:00 pm, iyadoo si toos ah ay Astaan Sports u tabin doonta ciyaarahan Playstation 4.
Kulanka labaad waxaa wada ciyaari doono degmooyinka kala ah Shibis & Dharkenleey saacadu markey tahay 1:30 pm, degmada Cabdicasiis ayaa ah degmada ku guuleysatay tartankaan sanadkii 2019-kii walloow aan la qaban tartankaan sanadkii hore 2020 sababo la xiriiro cudurka Covid19
SI kastaba tartankaan Playstation 4 ayaa ah tartan sanadle ah waxaana la qabtaa kaliya bisha barakeysan ee ramadaan.
WQ/ Daacad

