SAWIRRO: Tartanka Chess Tournament Oo Muqdisho Ka Furmay.
Waxaa shalay xarunta Milgo ee magaalada muqdisho lagu qabtay xaflad lagu daah furayay Tartanka Chess Tournament, oo ah ciyaar aad u xiiso badan oo loo ciyaaro qaab maskaxeed.
Xaflada daah furka tartankaan Chess Tournament, oo Astaan Sports bisha ramadaan u qaban doonto dhalinyarada soomaaliyeed waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan uu kamid yahay Aaas-aasaha Amiin Ambalaas Dr. C/qaadir C/raxmaan Aaadan iyo xoghayaha guud ee xiriirka Chess-ka C/dullaahi Nuur Maxamed oo qudbado kala duwan ka jeediyay madasha daah furka.
Ugu horreen waxaa madasha ka hadlay agaasimaha Astaan Sports Maxamed Cabdi Muudeey oo sheegay in Astaan Sports ay sharaf weyn u tahay in ay qabato tartankan Chess-ka, isgoo intaa kudaray in ay jiraan dhalinyaro aqoonyahano ah oo xirfado kala duwan leh, oo aad u xiiseyso ciyaartan sidoo kale waxaa uu agaasimaha u mahadceliyay xiriirka Chess-ka iyo xurunta Milgo oo ah halka lagu qabanayo tartankan.
Dhanka kale xoghayaha guud ee xiriirka Chess-ka C/dullaahi Nuur Maxamed oo ka hadlay munaasabada daah furka yaa shaagay ciyaaryahankii ku guuleysto ciyaartan Chess-ka in si sharuud la,aan ah tartanka Chess-ka ugu qaybgali doono ciyaaro heer caalami ah oo lagu qabanayo dalka dibadiisa.
Sidoo kale Aaas-aasaha Amiin Ambalaas Dr. C/qaadir C/raxmaan Aaadan oo kamid ah ciyaartoyda ka qaybgali doonto tartankan Chess-ka ayaa sheegay in ciyaartan ay tahay mid aad u wanaagsan oo furfurto maskaxda qofka sidoo kale caafimaadka u wanaagsan wuxuuna bahda waxbarashada ugu baaqay in lagu soo daro xiisadaha dugsiyada dhaxe iyo sare ee dalka,
Si kastaba Astaan Sports ayaa tartankan u qabaneyso dhalinyarada ku nool caasimada muqdisho bisha barakeysan ee ramadaan.
WQ/Daacad