SAWIRRO: Degmooyinka Cabdicasiis & Deyniile Oo U Soo Gudbay Warreegga Afar Dhamaadka Tartanka Ply Stationka Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Degmooyinka Cabdicasiis Iyo Deyniile ayaa u soo gudbay warreega afar dhamaadka tartanka Playstation 4 oo sanadkii labaad Astaan Sports ay u qabaneyso 17-ka degmo ee gobalka banaadir.
Kulamadaan oo maanta la ciyaaray ayaa laga soo calaamadeeyay natiijooyin kala duwan, ciyaartii ugu horreysay waxey dhexmartay degmooyinka W/Nabadda Iyo Deyniile kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan waxuu ku soo dhamaaday 4-2 ay ku adkaatay degmada deyniile oo u gudubtay warreegga afar dhamaadka tartanka Playstation 4.
Ciyaarta kale oo u dhexeysay degmooyinka Cabdicasiis & Hiliwaa waxey ahayd ciyaar aad u xiiso badan waxaana u suurtagashay degmada Cabdicasiis oo difaacaneyso tartankan iney ku adkaato 5-3 iyagoo iska xaadiriyay warreegga afar dhamaadka tartanka Playstation 4.
Degmooyinka Cabdicasiis & Deyniile ayaa sugi doono labada degmo ee u soo gudbi doonto warreegga afar dhamaadka tartanka plystation 4 kulamada beri ay ciyaari doonan Hodan iyo Boondheere, yaaqshiid iyo Waaberi.
Si Kastaba Shirkada Astaan Sports ayaa sanadkii labaad qabaneyso tartankan Playstation 4. oo sanadkii hore u baaqday cudurka Corana Virus waxaana sanadkii 2019-kii ku guuleysatay degmada Cabdicasiis oo hadda ka mid ah degmooyinka soo gaaray afar dhamaadka tartankan.
WQ/Daacad






