SAWIRRO: Kooxda Jeenyo Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Naadiga G/Afrika Kulan Ka Tirsanaa S.P.L
Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan waxey soo bandhigeen labada dhinac kubad ku dhisan weerar iyo weerar celis daqiiqadii 5-aad ee ciyaarta waxaa goolkii koowaad heshay kooxda G/Afrika waxaana goolkaasi u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 10-aad Nageeye Deeq kadib caawin uu ka helay saaxiibkiisa Hanad Siyaad kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-0.
Dhanka kale Kooxda kubadda cagta ee Jeenyo ayaa iska soo barbareysay goolka daqiiqadii 32-aad, waxaana madax ku dhaliyay goolkaasi daafaca naadiga jeenyo Mahad Ibraahim Kubad Gees laad aheyd wuxuuna ciyaarta ku soo celiyay barbaro 1-1 ah, oo lagu kala nastay qaybtii koowaad ee kulanka
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad kooxda Geeska Afrika ayaa mar kale hoggaanka ciyaarta la warreegtay waxaana goolkiisa labaad ee kulanka u dhaliyay Nageeye Deeq daqiiqadii 51-aad hase yeeshee labo daqiiqo ayey ku qaadatay kooxda Jeenyo iney iska soo barbareeyan waxaana goolkaasi u saxiixay Ismaaciil Weydoow daqiiqadii 53-aad wixii intaa ka dambeeyay Jeenyo ayaa heshay gool kulaad kadib markii diilinta ganaaxa lagu jilaafay Yaasir C/raxmaan waxaana gool kulaadkaasi gool u beddalay mar kale Mahad Ibraahim daqiiqadii 63-aad ee kulanka 3-2
Goolasha naadiga jeenyo waxaa kubad (Free Kick) ama laadka xurta ah ku soo gabagabeeyay lambarka 14-aad Bashiir C/dulle daqiiqadii 77-aad kaasoo ciyaarta ka dhigay 4-2 ay guusha ku raacday kooxda Jeenyo.
Garsoore Najiib Cawil oo ahaa garsooraha ciyaarta ayaa bixiyay guud ahaan 90-ka daqiiqo illaa iyo shan kaar oo ah kaarka digniinta wuxuuna saddex kamid ah siiyay xiddigaha naadiga jeenyo lamabarka 14-aad Bashiir C/dulle iyo Xasan C/rashiid oo xirto lambarka 8-aad kaasi oo seegi doona kulanka ay jeenyo la ciyaari doknto naadiga Heegan halka kaarka saddexaad loo taagay Xasan Cabdi oo lambarka 80-aad u xirto Jeenyo
Dhanka naadiga Geeska Afrika waxaa la siiyay labo kaar oo ah kaarka digniinta waxaana la kala siiyay C/rashiid Rashka oo kooxdiisa Geeska afrika ka maqnaan doono kulanka ay la ciyaari doonaan Kooxda Mcc tudabaadka dambe iyo ciyaaryahanka lambarka 4-aad Ciise Cabdi
Si Kastaba kooxda kubadda cagta Jeenyo oo ku jirto kaalinta 5-aad ayaa leh 15 dhibcood halka wali aysan wax guul ah gaarin kooxda kubadda cagta Geeska Afrika oo ku jirto kaalinta 10-aad iyagoo leh labo dhibcood.
WQ/Daacad













